Jacinda Ardern, hoggaamiyaha 'sammaanta iyo kalgacaylka' isku darsatay

Markii uu dhacay weerarkii argagixisada ee lagu qaaday masaajidda dalka New Zealand , waxa uu xanuunka iyo murugada isku si u wada saameeyay dadka dalkaas iyo kuwa badan oo caalamka ku nool.

 

Saameynta xun ee weerarka waxaa aad usii kordhiyay muuqaalkii uu duubay ninkii weerarka geystey, kaas oo ku baafiyay shabakadda Facebook, kadibna ay inta badan wada arkeen dadka Baraha Bulshada isticmaala.

Balse saacado kadib markii Ra'isulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ay kasoo muuqatay shir jaraa'id, dadka dalkaas oo kaliya ma ahayn kuwa dhegta u taagayay wixii ay oran lahayd, balse adduunka dhan ayaa laga dhagaysanayay.

 

"Waa iska caddahay in weerarkan uu yahay mid kaliya lagu tilmaami karo argagixiso" ayay tiri Ra'isulwasaaraha, hadalkaas oo ah mid aanan aad looga filanaynin hoggaamiye reer galbeed.

o'aanka ay durba gaartay ee ay weerarka ugu tilmaamtay mid argagixiso ayaa muujiyay sida ay xog ogaal u ahayd xilli madaxda dalalka Reer Galbeedka ay afkooda ka illaaliyaan ereybixintaas marka qofka weerarka geystay uu yahay qof caddaan ah.

Waxyaabaha ay ficil ahaan u samaysay ayaa sidoo kale muujiyay sida ay oga go'antahay, daacadna uga tahay hoggaaminteeda dhabta ah. Waxa ay booqatay ehelkii iyo qaraabadii ay dadka ka dhinteen, waxaana la arkayay iyada oo hab siinaysa dadka, islamarkaasna xiratay qamaar madoow si ay xushmad ugu muujiso dadka islaamka ah.

Markii ay baarlamaanka hadal ka jeedisay maalmo kadib, waxa ay hadalkeed ku biloowday salaanta Islaam, iyada oo sidoo kale BBC-da u sheegtay in ay la dagaalami doonto cunsuriyadda, kana ciribtiri doonto dalkeeda iyo adduunkaba.

Dadka wax indho indheeya ee adduunka ee sida dhow ula socday waxa dhacayay ayaa ku boggaadiyay hoggaaminteeda wanaagsan.

"Martin Luther King waxa uu yiri hoggaamiyeyaasha dhabta ah ma raadiyaan wadar ogolka ee iyagaa dhaliya" ayay tiri Suzanne Moore oo maqaal ku qortay wargeyska Guardian.

lkoi

 

Lahaanshaha sawirka EPA

Image caption Ra'isulwasaaraha oo u tacsiyaynaysa ehalada dadkii dhintay

Mr Ishaan Tharoor oo wax ku qora wargeyska Washington Post ayaa sheegay in Ms Ardern ay noqotay wajiga murugada iyo baroordiiqda qarankeeda

Bogaadinta kaliya kama aysan iman dadka wax qora, ee sidoo kale madaxda adduunka ayay ka timid, tusaale wasiirka arrimaha dibedda ee Pakista Maxamed Faysal ayaa sheegay in Jacinda ay kasbatay quluubta dadka Pakistan.

Xarunta xusuus-reebka Martin Lutherking ayaa iyaduna qoraal ay soo saartay ku tiri "New Zealand waxaa kasoo baxay hoggaamiye sammaan iyo kalgacayl isku darsaday".

Xitaa xisbiyada mucaaradka ayaa qirsan wanaagga Ra'isulwasaaraha, tusaale Judith Collins ayaa baarlamaanka dalkaas ka sheegtay in Ra'isulwasaaraha ay tahay qof aad u wanaagsan.

Markii ay ololaha doorashada biloowday sannadkii 2017-kii, waxaa si joogto ah loola barbar dhigayay Ra'isulwasaaraha Canada Justin Trudeau iyo madaxweynaha Faransiiska Emmaneal Macron.

Waa arrin loo qaateen ah, sababtoo ah kuligood waxa ay ka sinaayeen aragtiyada furfuran, iyo da' yaraanta.

Sushil Aaron oo wax ku qora wargeyska New York Times ayaa tilmaamay in xaqiiqda ah in caalamka ay ka bateen hoggaamiyeyaal xag jir ah, oo islaam nacaybka ku batay, ay gabadhani ka dhigayso qof tusaale wanaagsan noqon kara.

Waxaa tusaale loosoo qaadan karaa in markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu weeydiiyay caawimaadda uu Maraykanka siin karo dalkeeda kadib weerarkii dhacay, ayay ku jawaabtay "Jacaylka iyo naxariis loo muujiyo bulshooyinka Islaamka oo dhan".

Markii Ms Ardern wax laga weeydiiyay xildhibaankii Aqalka Saree e Australia Fraser Anning ee uu wiilka yar ukunta ku dhuftay, ayay ku jawaabtay "Waa mid aan sharaf lahayn".

Waxaa farta lagu wada fiiqay in ay jireen dhacdooyin kuwan oo kale oo dad islaam ah wax lagu yeelay, balse hoggaamiyeyaasha dalalkii ay ka dhaceen aysan muujinin waxa ay muujisay Ms Jacinda Ardern.

Dadka naqdiya gabadhan ayaa ku tilmaama gabadh quruxsan oo afkana ka sheegeysa erayo habboon oo kaliya, balse intaas oo kaliya ma ahan. Waxaa la'isku waafaqay in ay dhab ka yihiin wax ay oranayso.

isha warka. BBC

 

Category