Kolding: Saddexdii sarkaal ee ugu sareeyey waxbarashada degmada oo shaqadii laga eryay

  1. Helle Thiele.    Uddannelses direktør (Xoghayihii waxbarashada)
  2. Lars Svenson.  Skolechef                    ( Madixii Iskuulada)
  3. Kai Ekmann     Økonomichef               (Madixii dhaqaalaha waxbarashada) 

Ayaa saddexdoodiiba mudo kooban gudaheed laga  eryay shaqadoodii, Waxaana lagu eedeeyay masuulliyad daro iyo maamul xumo dhaqaale.

Eriga ayaa yimid kadib kolkii  ay siyaasiyiinta gollaha degaanka qaarkamid ah iyo saxaafadu soobandhigeen in dhaqaalihii loo asteeyay waxbarashada lagu talaxtagey.

Xadiga dhaqaale ee galaaftey madaxdan ayaa dhan 29 millyan oo isbiirsadey mudo saddexsanno ah.

Siyaasiyiinta gollaha degaanta ayaaweydiiyay  xubnahan shaqad laga fadhiisiyey su'aalahan

siday ku dhacdey in dhaqaalaha intaas le'eg uu is dhimo?

Miyaaneydun dareemin lacagta dheeraadka ah ee qasnada laga saareyay?

 Hadaa dareenteen maxaad u sixi waydeen qaladkiina socdey mudada saddexda sanno ah?

Maxaad ula socodsiin weydeen  siyaasiyiinta gaarahaan guddiga dhaqaalaha ee gollaha degaanka   mushkillada dhaqaale ee jirta ?

 Waxa kale oo jirta Lacag malaayiin ah oo madaxda waxbarashadu badhna bixisay badhna ay u ballan qaadeen in ay siinayaan  qaar kamid ah iskuulada magaalada  si loogu taageero 44 ardey oo dhibaato dhanka waxbarashada ahi haysato.

Si kastaba ha ahaatee  waxaa lagu canaatey madaxdaas la eryay xakameyn la’aan iyo xilgudasho daro ,  waxaaney siyaasiyiinta qaar kamid ah oo saxaada la hadley sheegeen in madaxdani iga oo og in qasnadiina lacag itaas leegi ka maqantahay ay hadana bilaabeen mashaariic cusub iyo lacag qeybin iyaga oo aan ugu yaraan ogollaanshiiyo  waydiisan  gudiga dhaqaalaha ee gollaha degaanka magaalada Kolding.

Waxa kale oo lagu canaaney Helle Thiele  xoghayihiii waxa barashada ee la eryey lacag ah 265,000 kr oo ay ku shaqaaleysay khubaro ay sheegtey in ay iyada kala tallinayeen sidii waaxaha waxbarashada ee degmadu u wada shaqeynaylahaayeen.

Hada siyaasiyiinta degmadu waxa ay  usaareen gudi dabagal ku sameysa lacagta 29ka millyana ah ee ay sheegeen in sixun loo maamulley.

Saddexdan sarkaal ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in kaantaroolkii ka lumay una baahanyihiin in la fadhiisiyo.

Dhaqaale ahaan madaxdan la eryay faromadhnaan kala tagimaayaan Kolding. 

Tusaale ahaan xoghayaha waxabarashada Helle Thiele waxa ay xag u yeelaneysaa gunada eriga oo noqoneysa 1.7 milyan kr  una dhiganta inka badan $ 200,000 .

Lars Svenson ayaa isna la sheegay in uu mushahar u qaadan jirey 70,000 kr  bishii una dhigan ilaa  $ 9500, Iyada oo midkasta oo ka mid ahi mushaharka sii qaadan doono ugu yaraan 3 billood oo ah  xilliga digniinta . Lacagtan ayaa laga bixin doonaa qasnada dadweynaha ee degmada.

Dhaqaalahan hadaba ka maqan waxbarashada degmada ayaa durba loo sheegay iskuulada in ay iga ka go’an tahay iyada oo lagu wargalliyey iskuulwalba inta laga rabo in madhxiyo, waxaaney taasi sababtay in iskuulo badani shaqaale eryaan si lacag loo madhxiyo.

Midakale talaabadan lagu eryey madaxdii usareysay waxbarasha ayaa laga yaabaa in ay saameyn ku yeelato hawl socodkii waxbarashada ee degmada , inta la keenayo madaxdii iyaga badali laheyd oo iyaguna u baahan mudo ay shaqada kula qabsadaan.

 

Waxaa diyaariyey

Maxamed-amin Siyaad Cabdi

 

 

 

 

 

 

Category