Kolding: shaqo dhimid balaadhan oo lasameyndoono bilaha soo socda.

RH. Kolding: Culeyska dhaqaale ee degmada kolding kasoo fuuley maamul xumadii ay sameeyeen madaxdii shaqada laga eryay ayaa sababtey in miisaaniyadii sannadka 2020  aad isu dhinto taas oo horseeday in  141 qof oo  shaqaale ah la dhimidoono, Shaqooyinkaas ayaa iskugu jiri doona dad la eryi doono,shaqooyin banaanaa oo aan qof cusub loo qaadan doonin, balse intooda badani waa dad haysta shaqo buuxda, waxayse shaqa dhimistu xitaa saameyn doontaa dhallinyaro saacado kooban shaqeeya.

Labada ilaa saddexda todobaad ee soo socda ayaa la soo saarayaa go’aanka kama dambeysta ah.

Kolding Kommune  isagu waxa uu rabaa in sida ugu suurto galsan uguna dhakhso badan  eriga loo go’aamiyo , shaqaalaha la Eryidoonana loo war galliyo si marka la dajinayo miisaaniyada sannadka 2020ka ay umuuqato  xisaabta la madhxiyey sida uu  sheegay agaasimaha guud ee degmada Kolding Thomas Boe.

Shaqaalaha la dhimayo oo la caawindoono.

Marka la wargalliyo shaqaalaha la eryayo waxaa laga caawindoonaa waxbarasho xirfadooda kor loogu qaadayo iyo in talo laga siiyo  diyaarinta CV wanaagsen oo ay shaqo ku heli karaan mustaqbalka.

 

Diyaarinta warka.

Mohamed-amin Siyad Abdi

Category