Kolding waa in loohelaa Maayar cusub, Jørn Pedersen wuu ka baxayaa gabi ahaanba Siyaasada.

Ku dhawaad ​​11 sano oo uu ahaa duqa magaalada Kolding, 52-jirka Jørn Pedersen wuxuu ku dhawaaqay inuusan mar dambe u tartami doonin doorashada soo socota. Go'aankan wuxuu gaadhay isla markiiba doorashadii ka dib sannadkii  2017kii ,doorashadaa oo xisbiga Libaraalka siisay aqlabiyad buuxda golaha degmada ee magaalada Kolding.

Kolding: Jørn P waa mid ka mid ah boqorrada xisbiga Libaraalka ee magaaladan kolding Wuxuu ahaa duqa Kolding tan iyo 2010 hada se wuxuu cadeeeyey in uu katanaasulayo kursigiisa dhammaadka mudda xilleedka  golahan.

Duqda degmada Herning Lars Krarup iyo ka degmada Vejens Egon Fræhr ayaa iyaguna dhawaan shaaca ka qaaday in aysan u tartami doonin duqa degmooyinkooda doorashada soo socota.

Jørn Pedersen ayaa u sheegay JydskeVestkysten inuu go, aansaday in aanu mar saddexaad is soo sharixin wax yar uun ka dib doorashadii 2017 kii, oo markii ugu horraysay si ballaadhan u xaqiijisay xisbiga Libaraalku aqlabiyad buuxda oo uu ku hantay golaha deegaanka Kolding oo uu kuleeyahay13 ka mid ah 25 kursi ee guud, Jørn Pedersen qudhiisa ayaa helay 12,112 cod.

Jørn P Wuxuu beeniyay  in hawlgabnimadiisu la xidhiidho  gudoomiyihii hore ee xisbiga SF, wasiirkii hore ee arrimaha debedda Denmark  oo hadda xubin ka ah golaha goballka koonfurta Yuland, Villy Søvndal oo 68 jir ah kana tirsan xisbiga SF degana xaafada Sdr. Bjert oo u dhow Kolding,  oo  ku dhawaaqay inuu doorshadan soo socota isu diyaarinayo in uu ku fadhiisto kursiga duqa degmada ee guriga looga arimo kolding ee Akseltorv.

Is Beddel weyn.

Jørn P oo u warameyey warfidiyeenka ayaa yidhi Waxaan u malaynayaa inay muhiim tahay hadii aad tahay duq magaalo inaad khibrad u leedahay adduunka ka baxsan siyaasada, iyo inaad gacan ka gaysan karto sidii loo hubin lahaa hadba fikirka cusub ee meesha la joogo. Isla mar ahaantaana, Waxaan sidoo kale aaminsanahey in hadda la joogo waqtigii aan dhaqaaqi lahaa haddii aan xirfad cusub ka helayo banaanka Magaalada , waxaan ahey  53 jir  xilliga aan ka degayo xilka makaa waxaan rabaa in aan firsad u helo in aan ka fikiro wixii aan qabanlahaa  markii aan wareejiyo xilka duqa magaalada, weli waxaa igu jira  sannado badan oo wanaagsan, ayuu yidhi Jørn Pedersen, oo xaqiijinaya inuusan weli ogayn mustaqbalkiisa.

Inkastoo goaankii Jørn Pedersen ee ahaa inuu iska casilo xilka duqa aanu ahayn wax cusub, Hadana ku dhawaaqistiisu waxay u dhacday sidii bambo lagu tuuray Guriga looga arimo kolding  iyo xisbiga Libaraalka ee Kolding oo uu katirsanyahay, oo ay hada tahey inay  helaan qofkii ugu tartami lahaa kurisiga Maayarka  doorashada  dhicidoonta bisha Nov.2021 ka.

 

Tarjumaada warka. 

Mohamed-Amiin

Category