Labo ka mid ah raggii ku lug lahaa dilkii iyo kufsigii Caasha Ilyaas ayaa la toogtey

Boosaaso (RH)-Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ayaa waxaa saaka lagu qisaasay labo nin oo ka mid ah saddex nin oo lagu dil iyo kufsi ay ugu geesteen magaalada Gaalkacyo gabar 12 sanano jir ahayd oo lagu magacaabi jiray Caasha Ilyaas.

Dilka gabadha yer oo laga joogo muddo sannad ah, ayaa waxaa maxkamad ku yaalla Puntland waxa ay sananadkii horre 2019kii ku xukumeen dil qisaas ah.

Labada nin ee saaka la qisaasay ayaa kala ahaa Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana muddo 10 cisho dib loo dhigay xukunka qisaasta Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Dhinaca kale, aabbaha dhalay gabadhii yareyd ee Caa’isha, oo saaka goobjoog u ahaa halkii lagu qisaasay labada nin ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay xunka qisaasta labada nin nin kale ee dhimman la toogan doono muddo 10 cisho kaddib maadama ay go'aankaas isla qaateen isaga iyo qoyska eedeesanaha.

aabbaha dhalay gabadhii yareyd ee Caa’isha, oo warbaahinta la hadlay

 

Caasha Ilyaas Aadan ayaa ahayd gabar aan qaan gaarin, waxaana dhowr maalin oo la la'aa kaddib meydkeeda la soo dhigay meel u dhow gurigooda hortiisa 25-kii bishii labaad 2019kii, waxaana intaas kaddib baaritaan ay sameeyeen ciidamada Puntland ay soo qabteen raggan iyo rag kale oo la sii daayay markii dambiyo lagu waayay.

Maxkamada darajada koowaad iyo midda sare ee Puntland ayaa xukunno dil toogasho ah ku soo oogtay raggan saddexda ah.

Kiiska Caa'isha Ilyaas Aadan ayaa markii uu dhacay waxaa dadweynaha Soomaaliyeed ay Puntland ka codsanayeen in caddaaladda la marsiiyo kiiska Caasha Ilyaas Aadan.

Kiiskan ayaa waxa uu ahaa kii ugu horreeyay ee ka dhacaya gayiga Soomaaliya, waxaana dadka Soomaaliyeed ay soo dhaweyeeen in kiiska Caasha Ilyaas uu maanta helo cadaalad .

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category