Maamulaha dugsiga oo baaq u dirtay waalidiinta xilliga Ramadaanka: "Haddii ay ahaan lahayd Soonka Fastelavn-kana isla hadalkaas ayaan dhihi lahaa"

RH Kolding: Maamulaha dugsiga Sønderskov-Skolen ee magaalada Sønderborg, Birgit Dyngby, ayaa soo saartay talo iyo baraarujin ku socota waalidiinta, taas oo ku saabsan carruurta yaryar ee raba inay soomaan bishan barakaysan ee Ramadaan.

Xoogga oo la saarayo waxbarashada iyo korriinka

Maamuluhu waxay farriin u dirtay dhammaan waalidiinta iyadoo xustay in carruurta yaryar ay u baahan yihiin tamar ay wax ku bartaan kuna ciyaaraan.

"Waxaan aragnaa qaar ka mid ah carruurta ugu yaryar oo raba inay ka qayb qaataan soonka, sababtoo ah waxay rabaan inay ku daydaan dadka waaweyn. Laakiin taasi ma waafaqsana da'da korriinka. Carruurtu waxay halkan joogaan saacado badan, waxayna u baahan yihiin tamar ay wax ku bartaan," ayay tiri Birgit Dyngby.

Talo ku aaddan maalmaha fasaxa

Maamuluhu waxay waalidiinta u soo jeedisay in haddii ilmuhu rabo inuu tijaabiyo soonka, ay habboon tahay in lagu tijaabiyo maalmaha fasaxa (weekend-ka), si aysan u saameyn firfircoonidooda dugsiga dhexdiisa.

Waxay xoojisay in baaqani uusan ku saabsanayn diin, balse uu yahay mid looga fekerayo danta iyo caafimaadka carruurta. Waxay tiri: "Baaqani wuxuu ahaan lahaa mid la mid ah haddii la soomi lahaa xilliga Fastelavn-ka. Waxaan jecelahay dhammaan qoysaska, waxaana u rabaa wanaag."

Dareenka Waalidiinta

Birgit Dyngby waxay sheegtay in sanad kasta ay soo dirto farriintan ka hor Ramadaanka, ilaa haddana ay kala kulanto waalidiinta jawaabo aad u wanaagsan oo lagu taageerayo taladeeda. Sidoo kale, marka uu dhammaado Ramadaanka, waxay waalidiinta u dirtaa hambalyada Ciidda, sida ay u dirto hambalyada Kirismaska iyo Easter-ka (Paaske).

Dhinaca kale, maamulaha dugsiga Alssund-Skolen, Iben Vind-Hansen, ayaa isna sheegay inay raacaan isla nidaamkaas oo ay waalidiinta carruurta yaryar ku dhiirigeliyaan in carruurtu ay soomaan maalmaha fasaxa oo kaliya si aysan u daalin xilliga dugsiga.

Isha warka: JydskeVestkysten

Category