Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Dufcaddii 9-aad ee Ka Qalin-jebisa Jaamacadda Burco

Burco(RH)Madaxweyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ballaadhan loo qabtey 242 Arday oo ka qalin-jebisay Jaamacadda Burco.

 

Munaasibad lagu karaamaynayo ardayda ka qalin-jebisay Jaamacadda Burco oo ah dufcaddii sagaalaad ee ka qalin-jebisa jaamacaddaas oo lagu qabtay hoolka jaamacadda, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, maamulka iyo macallimiinta jaamacadda, Ardayda qalin-jebinaysay iyo waalidiintooda, maamulka magaalada Burco iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bodaainayo dhallinyarada wax baratay, laguna dardaarayo inay sii xoojiyaan tacliintooda.

 

Guddoomiyaha Boodhka jaamacadda Burco, Mudane Maxamuud Aadan Dheri iyo guddoomiyaha jaamacadda Burco, Prof. Saleebaan Dirir Cabdi oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, waxana ay bogaadiyeen dedaalka ay sameeyeen Ardayda maanta qalin-jebisay iyo sida ay ugu soo samreen duruufihii wajahay waqtigii ay geeddiga waxbarashada ku jireen.

 

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, ayaa isaguna Ardayda qalinjebisay bogaadiyey, waxana uu ku adkeeyey inay waxbarashada sii wataan, kana dheeraadaan wax kasta oo korodhsiga aqoon raadintooda ka hor iman kara.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad miisaan leh u jeediyey Ardayda qalinjebisay, ayaa ugu horrayn ku bogaadiyey yoolkooda waxbarashada ee ay ka midho dhaliyeen, waxana uu ku tilmaamay guul qaran oo soo saartay midho lagu dhaadan karo, waxana uu yidhi, “Ardayda qalin-jebinaysa, waalidkooda, macallimiintooda, odayaashii Aas-aasay iyo kuwii gacanta ka geystay jaamaadda dhismaheeda, dhammaantooda maanta waxa u farxad ah in tacabkii ay soo tabceen midhihiisii maanta ay go’ayaan oo 242 jaamici oo qaranka wax u soo bartay oo meelo badan wax ka tari doonaa inay maanta jaamacaddii ka baxayaan waa guul aynnu wada gaadhnay dhammaanteen qaran ahaan, Ardayda waannu soo dhaweynaynaa, waannu hambalyeynaynaa, waannu ku dhaadanaynaa, waana ku rejo weynahay inay mustaqbalka wax ka tari doonaan.”

 

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay inay hoggaamiye ahaan ka go’an tahay tayeynta iyo horumarinta goobaha waxbarashada ee dawladdu gacanta ku haysaa, isaga oo sharraxay sababta deeqaha waxbarasho ee dibadda laga helo loogu xidhay ardayda ka baxda jaamacadaha dawladda, “Sannadkan waxannu gaadhnay in wixii deeq waxbarasho dibadda laga keenayo in la siiyo jaamacadaha dawladdu ay maamusho, waayo jaamacadda gaarka loo leeyahay lacag badanna dadka way ka qaataa, waana isku filan tahay, dadka jaamacadaha ka bixinaya lacagta intaas le’egina carruurtooda waxbarasho way u diri karaan, waxana aannu masuuliyaddeeda hor marinaynayaa kaas aanay cidina u maqnayn,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey Ardaydii ugu sarraysay kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Burco maanta ka qalinjebisay, kuwaas oo farxad iyo rayn rayn ka muujiyey sida uu madaxweynuhu waqtigiisa ugu huray inuu kala qaybgalo maalmahooda farxadda.

Category