Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga ka Jarey Mashaariic Laga Hirgeliyey Burco

Burco(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray dhismeyaal cusub oo laga hirgeliyey xarumo kala duwan oo ku yaalla magaalada Burco, isaga oo kuwo cusubna xadhigga ka jaray.

Madaxweynaha oo ku gudo jira maalintii shanaad ee safarka shaqo ee uu ku joogo qaar ka mid ah gobollada dalka, ayaa ugu horrayn kormeeray xarunta dawladda hoose ee Burco oo dhismeyaal cusub lagu kordhiyey, hool weyn oo loo dhisay xarunta taliska ciidanka qaranka ee gobolka Togdheer, isaga oo xadhigga ka jaray garoonka kubbadda Cagta Alamsey Stadium oo dhismihiisa iyo qalabayntiisa la dhammeeyey, dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey Cusbitaalka ciidanka booliska ee xarunta taliska gobolka Togdheer iyo dhismeyaal casri ah oo lagu kordhiyey Huteel Kaafi ee magaalada Burco.

Madaxweynuhu waxa uu warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta kala duwan ee xarumaha dawladda ee uu kormeeray iyo kuwa uu xidhigga ka jaray, kuwaas oo si hufan u faahfaahiyey dedaalka ay ugu jiraan inay casriyeeyaan goobaha ay masuulka ka yihiin, si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee goobahaas ka taagan.

Shacabka ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee magaalada, waxana ay si kal iyo laab u soo dhaweynayeen madaxweynaha iyo weftigiisa hawlaha shaqo halkaas u jooga.

 

Category