Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Furay Barnaamijka Nafaqadda Hooyadda iyo Dhalaanka

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mundane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta furay barnaamijka nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka oo ay qayb ka noqonayaan ururdda aan dawliga ahayn ee Somaliland.

Barnaamijkan oo hoos yimaadda xafiiska Madaxweyneku-xigeenka Somaliland ayaa waxa warbixin ka bixiyay madaxa barnaamijkaasi u qaabilsan xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dr. Sakariye waxaanu yidhi;  “Barnaamijkani waxa uu noqon doonaa mid taxane ah oo aanu ku kalano hay’addaha iyo wasaaradaha ay hawshani khusayso, waxa aanu xil-weyn iska saaraynaa nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka iyo sidii aynu usoo celin lahayn cunto dhaqameed-keenii qiimaha lahayd, waxaan halkan uga mahad celinaynaa hay’adaha ku bahoobay barnaamijkani, Insha Allaah waxaanu qaban doonnaa kulan noocan oo kale ah oo ay ganacsatadda iyo waax-yaha waaweyn ee dalka qaybka noqdaan. ”

Waxa iyana halkaasi ka hadlay Marwo Amaal, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Wasiirka Beeraha Somaliland, Wasiir ku-xigeenadda wasaaradaha Waxbarashadda, Caafimaadka qorshaynta iyo sarkaal u hadlay hay’adda UNICEF waxaanay dhamaantood ballan qaadeen in ay doorkooda ka qaadan doonaan barnaamijkani.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sharaxay faa’idooyinka uu barnaamijkani u leeyahay qaranka, waxaanu xusay madaxweyne ku-xigeenku in xukuumadu laban-laabi doonto taageeradeeda dhaqaale ee kor-u qaadista cunto tayo leh oo dalka kasoo baxda waxaanu yidhi;  “Barnaamijkani waa barmaamij weyn oo waxtar leh, waa barnaamij ay ku bahoobeen dawladda iyo hay’addo badan oo caalami ahi, waxaan aaminsanahay in uu wax weyn ka badali doono cuntooyinkeenii aynu isticmaali jirnay daryeelka dadku waa waajibaadka dawladda annaguna waanu dadaalaynaa”ayuu yidhi Madaxweyneku-xigeenka Somaliland.

Category