Mareykanka oo Ismaaciil C. Geele ku cadaadinaya inuu talaabo ka qaado Maxamed Aw-Siciid

Wargeyska The Indian Ocean, ayaa sheegay in Sirdoonka Maraykanku eedo culus ku soo oogeen ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi oo ah Madaxa  shirkada isgaadhsiinta ee Somcable , 

Cadadka Wargeyska ee soo baxay 31-August, waxa lagu sheegay in Maxamed Aw-Siciid uu dhex fadhiyo eedaymo culus oo ku saabsan ka ganacsiga hub sharcidaro ah. “.Sida uu sheegay Sirdoonka Maraykanku waxay dawladda Jabuuti uga digeen dhaq-dhaqaaqyada sharci darrada ah ee ganacsadahan reer Somaliland ee Shirkaddiisa ay saamiga ku leedahay Marwada koowaad ee Jabuuti Khadra Maxamuud Xayd iyo marwada Madaxweynahii hore ee SomalilandAamina Maxamuud Jirde.

warku waxa uu intaas ku darayaa in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle  si qayaxan looga codsadey in uu si aan habsan lahayn wax uga qabto dhibaatadan,”. Sida lagu xusay warbixinta Wargeyska The Indian Ocean.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in arrintani dhaawacday sawirka ama sumcadda ganacsade Maxamed aw Siciid Geeddi ku leeyahay Jabuuti iyo sidoo kale xidhiidhka uu la leeyahay Marwada koowaad Khadra Maxamuuud Xayd.

Waxaanay warbixintu intaas ku dartey in  Ameerikaanku sheegeen in ay caddayn u hayaan eedaha ay ku soo oogeen ganacsade Ina Aw-Siciid.

Warbixntu intaas kagamey hadhin ee waxey sii raacisay in ganacsade Maxamed Aw Siciid meesha uu gabaad ka dhiganayaa noqon doonto  Somaliland si la mid ah sidii uu yeelay Axmed Cismaan Geelle, madaxa shirkadda SBI oo sanadkii 2017 dawladda Jabuuti u jartay waaran lagu soo qabanayo markii khilaaf soo kala dhex galay Jabuuti.

Wargeysku wuxuu leeyahay in haddii eedahan cusub rumooban uu ganacsiga Ina Aw Siciid halis galidoono.

wargeysku waxa uu sheegay in ganacsadahan oo bahwadaag la yahay Dahabshiil dhawaana  uu dhammaystirayo xadhigga Febric Optic ee Jabuuti iyo Somaliland, islamarkaana Berbera ka dhisayo xarun weyn oo dhanka isgaadhsiinta ah siiba xadhigga isgaadhsiinta ee badda hoosteeda mara.

Warbixintu waxa kale oo ay tilmaantay in Ganacsadahani sii haysan doono khadka isgaadhsiinta Febric Optic oo kooto ugu xidhan maaddaama uu si weyn u soo taageeray Madaxweyne Biixi xilligii ololaha, islamarkaana ay yihiin isku beel iyo isku degaan.

Warbixinta Wargeyska Indian Ocean waxay imanaysa iyada oo todobaadadii la soo dhaafay warbixin ay soo saartay xarunta falanqaysa mushkiladaha ee EXX Africa lagu sheegay in Jabuuti xarun u noqotay ka ganacsiga hubka sharci darrada ah ee Yemen oo la sii dhex-mariyo Somaliland laga na soo galiyo gobolka Awdal. Eedahaas oo salka ku hayay in hubkaasi la gaadhsiiyo maleeshiyaadka ka dagaalama Geeska Afrika, kuwaasi oo uu markii dambe na uu si weyn u beeniyay wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo boggiisa Twitter soo dhigay qoraalo dhawr ah oo uu ku baahiyey.

Geesta kale, Wargeyska Indian Ocean, waxa kale oo uu daabacay in dawladaha Somaliya iyo Kenya ay isku haystaan soo qabashada Fahad Yaasiin oo ah ku xigeenka Sirdoonka Somaliya oo dawladda Kenya u haysato arrimo khuseeya in uu dhowr baasaboor oo kala duwan uu ka qaatey dalka Kenya, waxaana arrintaas illaa hadda ku muransan oo isku af garan la’ wasiiradda arrimaha dibadda ee Somaliya iyo Kenya.

 

Category