Markan ganacsi oo lagu afduubtay Soomaaliya oo la sii daayay

Nairobi (RH)-Ilo wareedyo ku sugan Soomaaliya, ayaa soo weriyay in markab ganacsi oo lagu qabsaday biyaha Soomaaliya bishan December 9-keeda, in la sii daayay Jimcihii oo bisha ay ku beegneed 13.

Ciidamabada badda Puntland ayaa ku guulaystay in la sii daayo markabka iyo shaqaalihii la socday, sida wararka sheegayaan.

Markabka la sii daayay ayaa magaciisa lagu sheegay Marine ARS 13, waxaana uu ka yimid dalka Jabuuti isagoo u socday Magaalada Muqdisho.

Ma jirto macluumaad laga hayo markabkan la qafaashay iyo shirkadii lahayd iyo inuu ahaa markab ka diiwangashan shirkadaha caalamka.

Afduubka markabka ARS 13, waa kii ugu horreeyay ee noociisa oo ah ku saabsana markab ganacsi oo lagu qafaasho Soomaaliya tan iyo sannadkii 2012.

 

Category