Maxay qaxoontiga Eriteria ee Jarmalka degani umudaharaadayaan?

Tsegay wuxuu ku noolaa Jarmalka ilaa 2014 wuxuuna sugayay xaaskiisa iyo laba caruur ah oo tan iyo waqtigaas ku sugnaa Itoobiya. Wuxuu leeyahay, “Waa inaan cadaadiska kordhinaa. Rabshadaha ka socda Itoobiya, oo ay ku sugayaan qoysas badan, ayaa ka sii daray bilihii la soo dhaafay. Qoysaskeena si xun ayay u saameysay waxayna ku qasbanaadeen inay ka baxaan guryahooda.

“ Sida ay sheegeen dadkii wax ka bilaabay, 1,200 oo qaxooti ah oo ka yimid Eritrea ayaa hada sugaya in qoysaskooda ay ku soo biiraan. Baxsashada Geeska Afrika ee Yurub iyadoo loo sii marayo Saxaaraha, waddanka dagaalka sokeeye ee Liibiya iyo Badda Dhexe ayaa ah mid aad u khatar badan oo inta badan ragga kaliya ay dareemaan raaxo. Dhanka kale, haweenka iyo caruurtu waxay ku sugaan Itoobiya ama Suudaan, yacni wadamada siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan aan xasillooneyn. Marka loo eego tirakoobka rasmiga ah, boqolkiiba 80  qaxootiga Eriteriya ee ku nool Jarmalka waa rag.

Marka la siiyo magangelyo - waxaa lagu siiyaa xaaladda musiibada ee Eriteriya  ka jirta- waxaaney xaq u leeyihiin isu keenista qoyska. Ficil ahaan se waxay umuuqataa mid ka duwan oo intooda badan looma keenin qoysaskoodii.

Sida ku cad macluumaadka rasmiga ah ee dowladda federaalka iyo ururada caalamiga ah, waxaad marka hore sugeysaa lix ilaa laba iyo toban bilood inaad iska diiwaangeliso hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR ee dalalka deriska la ah Eritrea ka dibna 12 bilood oo kale ballanta safaaradda Jarmalka si aad u codsan karto. mideynta qoyska . Inta lagu jiro waqtigan, nimankooda ku nool Jarmalka ayaa mas'uul ka ah nolosha haweenka iyo carruurta laga soo tagey, kuwaas oo inta badan gala deymo badan. Sababtoo ah si liidata ayaa loo tababaray oo badiyaa kaliya waxa ay ku xidhanyihiin wixii ay soo shaqeeyaan ragoodaas qurbaha soo aadey.

 Mideynta reeraha badanaa wey fashilntaa sababtoo ah dalabyada aan macquul aheyn ee aan la fulin karin ee ah in safaaradaha Jarmalka ay hor keenaan cadeymaha xiriirka qoys iyo aqoonsiga ehelka ”. Tan waxaa ugu wacan xaqiiqda ah in Eritrea, dhalashada iyo aroosyada badanaa kama diiwaan gashan gobolka laakiin kaliya waxaa diiwaangeliya kaniisadda. Codsadeyaashu waxay soo gudbin karaan oo keliya shahaadooyinka dhalashada iyo kaniisadda.

dhibka kale ee jira ayaa ah in dawlada jarmalku aaney aqoonsaneyn dukumentiyada ay qaxootigu kasoo sameystaan qunsuliyadaha oo ay sheegeen ina ay joogaan dad aan xilkas aheyn.

Category