Maxkamad xukun naadir ah u riday haweeney la furay

Go'aan taariikhi ah ayaa ka soo baxay maxkamad ku taalla magaalada Beijing ee dalka Shiinaha. Maxkamadda ayaa xukuntay in nin u dhashay dalkaas uu lacag magdhaw ah siiyo xaaskiisa ay kala tageen.

Lacagtan magdhawga ah ee la siinayo ayaa ah shaqadii ay guriga ka qabatay intii ay wada joogeen.

Haweeneydan ayaa heli doonta lacag dhan ku dhawaad sideed kun oo dollar oo ah shaqadii ay qabatay shantii sano ee ay wada-joogeen iyada iyo seygeeda.

Kiiska maxkamadda ayaa dhaliyay dood ballaaran, taas oo ah in lamaanaha ay lacag ku kala qaadan karaan shaqada guriga.

Go'aanka maxkamadda ayaa yimid xilli dhawaan dalka Shiinaha laga hirgeliyay sharci madani ah.

Sida uu muujinayo diiwaanka maxkamadda, ninka oo magaciisa lagu sheegay Chen, ayaa dalbaday in ay xaaskiisa oo lagu magacaabo Wang ay kala tagaan sanadkii lasoo dhaafay.

Waxa ay aqal-galeen sanadkii 2015, balse iyadu ma aanay dooneynin inay marka hore kala taagan, haseyeeshee waxa ay dalbatay magdhaw iyadoona ku doodeysa in Chen uusan wax qeyb ah ka qaadan hawsha guriga iyo daryeelka canugooda toona.

Sidaas awgeedna, maxkamadda Beijing ayaa u xukuntay wixii ay dalbatay, waxaana Chen lagu amray in bishiiba uu siiyo khidmad dhan 2,000 yuan iyo in mar qura uu siiyo lacag dhan 50,000 yuan oo ah khidmada hawshii ay guriga ka qabatay.

Garsooraha go'aanka gaaray ayaa weriyayaasha u sheegay in marka ay lamaanaha kala tagaan ay qeybsadaan hantida ma-guurtada ah ee ka dhaxeysa. "Balse hawsha guriga ay tahay hanti aan qiimaheeda la qiyaasi karin"..

Xukunka ayaa lagu saleeyay xeer cusub oo madani ah, kaas oo Shiinaha ka dhaqangalay sanadkan.

Xeerka ayaa dhigaya in mid kamid ah lamaanaha uu xaq u leeyahay in xilliga fuurriinka uu dalbado magdhaw ku aaddan hawlaha dheeraadka ah ee uu u qabtay carruurtooda, daryeelka qaraabada da'da ah ama gacanta uu lamaanaha kale ka siiyay shaqadiisa.

Xilliyadii hore, lamaanaha kala tegaya ayaa codsan jiray magdhawga noocan ah, waa haddii uu jiro heshiis ay kala qorteen labada qof ee nolasha wadaagaya, taasoo aan inta badan ka dhicin Shiinaha.

Xukunkan ayaa hadal-hayn weyn ka dhaliyay barta Weibo ee ay adeegsadaan shacabka Shiinaha. In kabadan 570 milyan oo jeer ayaa bartaas lagu soo hadal qaaday arrintan.

Qaar kamid ah dadka bartaas adeegsada ayaa sheegay in 50,000 yuan ee haweeneyda loo xukumay shantii sano ee ay wada-joogeen Chen ay tahay lacag aad u yar.

"Waa go'aan aan la yaabay. Waxaa aad loo qiima tiray hawsha haweenka la qabo ay guryahooda ka qabtaan. Tusaale ahaan, gabdhaha jaariyadaha ah ee Beijing waxa ay sanadkii qaataan lacag ka badan 50,000 yuan," ayuu yiri qof fekerkiisa ka dhiibtay arrinkan.

Dadka qaar ayaa ku taliyay in loo baahan yahay in ragga ay mas'uuliyad dheeraad ah ka qaataan hawsha guriga.

Qaar kale ayaa dumarka kula taliyay inay shaqeystaan kaddib marka la guursado. "Dumarow ha hilmaamina in aad mar kasta yeelataan madax bannaani dhaqaale. Ha ka harina shaqooyinkiina marka la idin guursado, wax badan bay idiin tari doontaa," ayuu qof ku qoray barta Weibo.

Sida uu sheegay Ururka Iskaashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (OECD), haweenka Shiinaha ayaa maalintii qabta ku dhawaad afar saac iyo bar shaqo aan mushaar lagu siinin, taasoo 2.5 jeer ka badan hawlaha ragga.

Dalalka kale ee caalamka ayaa haweenku waxa ay qabtaan laba-laab shaqo ka badan tan ragga ee aan lacagta lagu siin.

 

xigasho BBC

Category