Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qaranka Jsl oo Xukuno Dil iyo Xadhig ah ku riday Sadex Askari

Hargeysa(RH):-Maxkamadda sare ee ciidamada Qaranka JSL ayaa xukunno Dil iyo Xadhig ah ku riday Sadex Rafcaanle oo Ka Tirsanaa Ciidamada Booliska Somaliland.

Sida lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qaranka JSL  Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan  Ayaa lagu yidhi sidan:-

Maxkamadda Sare ee ciidamada Qaranka JSl waxa ay dil toogasho ah ku xukuntay  Maxamed Yaasiin Faarax 30 jir ah horena uga tirsanaa  Ciidanka booliska oo Magaalada Wajaale iyo Magaalo cadd dhexdood ku dilay Marxuum Caydaruus Maxamed Daahir, iyadoo Maxkamaddu u cuskatay xukunkiisa 434 Xeerka ciqaabta guud iyo Ayaadaha Qur’aanka Kariim.

Sidoo Kale Maxkamadda Sare ee ciidamada Qaranka JSl waxa ay xukunno midkiiba 11 sanno ah ku xukuntay  Cabdinaasir Maxamed Guuleed oo 48 jir ah iyo cumar Maxamed Cabdi oo 28 jir ah kana tirsanaa ciidanka booliska JSl, kadib markii ay ku cadaatay inay xidhiidh la lahaayeen falkaasi,iyadoo loo cuskaday 244 ee xeerka ciqaabta iyo 104 xeerka ciidamada xilliga nabadda.

Maxkamada sare ee Ciidamada Qaranka JSl ayaa ku dhawaaqday in xukunkani hirgalay iyadoo kaga dhawaaqday xarunta Maxkamada ciidamada ee magaalada Hargeysa

 

Category