MD Farmaajo oo sheegay in aan Soomaaliya kala gu'i doonin iyo Muuse Biixi oo sikulul ugu jawaabey

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo marti ku ahaa barnaamij lagu qabtay magaalada Muqdisho uuna soo qabanqaabiyay Machad dhanka cilmi-baarista ah oo lagu magacaabo Raas,ayaa waxaa dadkii kaa soo qeyb galay ay waydiyeen su'aalo kala duwan oo u badnaa xaaladda uu dalku marayo.

Dib u heshiisiinta iyo Midnimada Soomaaliya

Su'aalaha la waydiiyay madaxweynaha waxaa ka mid ahaa arin la xiriirtay Midnimada Soomaaliya iyo dib u heshiisiinta bulshada ,waxaana uu sheegay in mar walba uu ka shaqeeyo wadajirka umadda Soomaaliyeed maadama sida uu hadalka u dhigay aaney bulshada Soomaaliyed kala maarmin.

"Dib u heshiisiinta Soomaaliya khaasatan Soomaaliya iyo Soomaaliland anigu intii aan joogay si aad ah ayaan uga shaqeyay inta hadda wada joogta in ay wada joogaan iyo in aan raadino Soomaliland wallaalahen si midnimadeenii iyo wada-jirkeenii u soo celino"

Mr Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa muujiyay in Soomaaliya iyo Soomaliland aaney kala go'i doonin isla markaana waxyaabaha loo sheegayo dadka shacabka ah wakhtiga looga luminayo.

"Waxaan aaminsanahay in ay tahay muqadas maxaa yeelay Soomaaliya lama kala gooynayo cid aqoonsaneysa gobal ka tirsan Soomaaliyana ma jirto laakin dhalinyarada iyo shacabka ayaa wakhtiga laga luminayaa waxey maraysaa maanta 30 Sano Soomaaliland madaxdooduna wax walba way sameyeen meel walbana waa u galeen sidey ku heli lahaayen aqoonsi" ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

SOMALILAND OO SI KULUL UGA JAWAABTEY HADALKII MD FARMAAJO.

MD Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo isna u jawaabayey Farmaajo ayaa yiri “Shantii Soomaaliyeed inay midoobaan reer Somaliland kow bay ka yihiin, laakiin Caqliga siyaasiyiinta Xamar jooga iyo 5 madaxeyne ma yahay kii Soomaali isu keeni lahaa?.”

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu isaga uu yahay qofka wax ka socon la’yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Farmaajo waxa aan leeyahay ha tilmaamin midnimo waadigii taababka u jaraye”. ayuu sii raaciyey Madaxweynaha Somaliland.

Si kastaba ha’ahaatee hadallladan kulul ee ay dhanka warbaahinta isku mariyeen labada madaxweyne ayaa ku soo aaday, xilli dhowaan wada-hadallada labada dhinac ay dib uga billowdeen dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Category