Meydka wiil yer ah oo lagu arkay xaafad ku taalla magaalada Muqdisho

Muqdisho (RH)-Dad ku sugan xaafada Sarkuusta ee dulkeedka magaalada Muqdishso ayaa sheegay in maanata halkaas lagu arkay meydka wiil yer oo ay ku yaalla dhaawacyo badan.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in jirka ilmahan yer ay ku yaalaan rasaas.

Mas'uuliyiin ka tirsan deeganka Garasbaaleey iyo ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta lagu arkay meydka, iyagoo soo qaaday meydka waxaana ay keeneen xarrunta dambi baarista ee CID-da.

Ma cadda illaa hadda sabaabta loo dilay ilmaha yer, dhacdadan ayaa waxaa ka dhaxay dadka ku dhaqan xaafadda Sarkuusta oo u badan dad soo barakacay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo meydka ilmo yer oo ay ku yaalaan jirkiisa rasaas lagu arko qaybo ka mid ah caasimadda

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category