Muxuu yahay hadalka la dhibsaday ee uu jeediyay Sheekh Saciid Raage?

Hadal uu maalmo kahor jeediyay wadaadka caanka ee Soomaaliyeed ee Sheekh Saciid Raage ayaa saacadihii la soo dhaafay qabsaday baraha bulshada, hadalkaas oo dad badan ay dhibsadeen.

Sheekh Saciid Raage ayaa mar uu khudbadda salaada jimcaha jeedinayay waxaa uu shegay in inta badan dadka Afrikaan-Amerikaanka ah ee ku nool dalka Mareykanka aysan garaneyn aabayaashood.

Sheekh Saciid ayaa sidoo kale sheegay in marka dadkaas aad weydiiso aabayashood ay kuu sheegayaan in aysan garneyn.

"Inta badan dadka aan la kulano, gaar ahaan Amerikaanka asaal ahaan ka soo jeeda Afrika ma garanayaan aabayaashood, intooda badan waxay ku dhasheen galmo hal habeen dhexmartay waalidkooda", ayuu yiri Sheekh Saciid Raage.

Dadka arrintan dhibsaday ayaa sheegay in hadalkaas ay u fahmeen in uu ula jeedo in ay yihiin dad garac ah oo aan garaneyn aabihii ka dhalay hooyadood.

Khudbadda Sheekha ayaa u muuqatay mid uu doonayay in uu dadka kaga wacyigeliyo dhibaatada ay leedahay gogol dhaafka, kuna baraarujiyo ahmiyadda ay leedahay guurka waafaqasan nidaamka.

Sheekh Saciid ayaa khudbadaas ku jeedinayay luuqadda Ingiriiska, inkastoo aysan kala cadeyn halka uu ka jeediyay iyo xilliga uu jeediyaya.

Hasayeshee hadalka Sheekh Saciid ayaa waxaa dhibsaday oo ka carooday dad badan oo Afrikaan-Amerikaan ah, kuwaas oo sheegay in uu yahay hadal meel ka dhac ku ah bulshadaas.

Dad badan oo ay ka mid yihiin cullimada masjidka German Town ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dadka Afrikaan Amerikaanka oo sidan loola hadlo ay ka dhigan tahay cunsurinimo.

"Khudbadda salaadda Jimcaha waxaa loogu talo galay in sare loogu qaado wacyiga dadweynaha ee ma ahan in lagu waxyeleeyo bulsho dhan, Afrikaan Amerikaanka waxay wax badan kusoo kordhiyeen Islaamnimada dalka Mareykanka, waxaana loo baahan yahay in uu hadalkaas ka towbad keneo oo uu raaligelin ka bixiyo", ayay cullimada masjidkaas ku qoreen bartooda Twitter-ka.

Tallaabadan ayaa waxaa sidoo kale cambareeyay qaar kamid ah Soomaalida ku nool dalka Mareykanka, kuwaas oo sheegay in hadalka wadaadka uusan ahayn mid ay ka siman yihiin Soomaalida.

"Qofkii ugu horeeyay ee cambareeyay hadalkaas wuxuu ahaa qof dumar ah oo Soomaali ah, in Sheekha uu hadalkaas yiraahdana waa wax aad looga xumaado oo aan la aqbali karin", ayay tiri qof magaceeda ku sheegtay Xaawo oo adeegsada barta Twiter-ka.

Sheekh Saciid Raage ayaa muuqaal uu soo duubay mardambe raali gelin ka bixiyay hadalkii uu jeediyay, isagoona intaa raaciyay in uu ahaa khalad dhacay.

Waxaa uu sheegay in qofwalba oo ban'iaadam ah uu khalad galo, isagana uu kamid yahay dadkaas, ixtiraam weynna uu u hayo dadka Afrikan-Amerikan.

"Hadalka afkeyga ka soo baxay wuxuu ahaa mid khaldan, uma maleynayo, mana aaminsani in dadka Afrikaanka ah ee degan Mareykanka ay yihiin kuwa garac ah, waxaan Alle ka baryayaa in uu i cafiyo, waxaana raaligelin ka bixinayaa hadalkii aan iri ", ayuu Sheekh Saciid Raage ku sheegay muuqaal uu soo duubay.

Sheekh Saciid Raage ayaa ah wadaad caalamka ku faafiya diinta Islaamka, inta badanna muxaadarooyin ka jeediya telefishenada Islaamiga ee caalamka, gaar ahaan Peace Tv ayaanan looga baranin hadalada xanafta leh ee noocan oo kale.

 

source.BBC

 

Category