Muxuu yahay walaaca laga muujiyay qorshaha maamul dhisidda Galmudug?

Dhusamareeb (RH)-Qaar ka mid ah axsaabta siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay inuusan dastuurka waafaqsanayn qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay Shirkii dib uheshiisiinta ee lagu soo gabagbeeyay Dhusamareeb Talaadadii.

War murtiyeed ay soo saareen ayay Dowladda Federaalka uga digeen inay "afduubto doorashooyinka Galmudug" iyo in Maamulka dowlad goboleedka Galmudug loo daayo soo xulista guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Galmudug.

Waxyaabihii ka soo baxay shirkii Dhusmareeb waxaa ka mid ah in Dowladda Federaalka ah ay soo dhisto Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Dowlad Goboleedka Galmudug, islamarkaana ay Dowladda Fedraalka Soomaaliya samayso habraacyo iyo shuruudo adag oo loo soo maro xulista xildhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug iyo doorashooyinka Guddoonka Golaha Wakiillada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne k/xigeenka.

Arrintaasi ayay sheegen xisbiyada UPD, Wadajir, Ilays, Horu socod Qaran iyo Nabadda inaysan dastuurka kumele gaarka ah waafaqasanyn.

"Qodobadan iyo kuwo kale oo war-murtiyeedka ku jira ayaa si cad u khilaafsan hanaanka federaalnimada dalka, Dastuurka qaranka iyo dastuurka dawlad Goboleedka Galmudug oo labaduba qeexaya in doorashooyinka Galmudug ay u madaxbanaan yihiin dawlad Goboleedyadu", ayaa lagu sheegay war murtiyeedka.

Axsaabta siyaasadda ayaa sidoo kale sheegay in Galmudug aysan ahayn dawlad Goboleed horleh oo haatan la dhisayo, balse ay tahay maamul dastuur iyo haykal dawladeed leh, muddo xileedkeedii dastuuriga ahaa oo keliya na u dhamaaday.

"War-murtiyeedku wuxuu inkarayaa jiritaanka dawlad Goboleedka Galmudug, wuxuuna gebi ahaanba meesha ka saaray saamilayda siyaasadeed ee Galmudugu sida; dawlad Goboleedka Galmudug, waxgaradka Galmudug, Guddoonka shirka Hobyo, Musharaxiinta xilka madaxweyne, iyo Xisbiyada diiwaan gashan ee dalka", ayaa lagu xusay war murtiyeedka.

Arrintan ayay shegeen inay galangal u siineyso dowladda awood ay ku maamusho doorashada iyo qofka wax ka noqonaya maamulka Galmudug, waxaana Cabdiraxmaab Cabdishakuur oo kamid ah hogaamiyeyaasha mucaaradka uu sheegay in dowladda aysan sharciyad u heysanin inay dejiso shuruucda doorashada, wuxuuna ku eedeeyay dowladd federal in ay wadato musharax gaar ah.

"Anagu waxaan rabnaa in Dowlad Goboleedka Galmudug ay magacawdo, in uu noqdo guddi karti iyo hufnaan lagu soo xulay, in uu noqdo guddi ay u dhan yihiin belaha wada degan Galmudug, ", ayuu BBC-da u sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa kale oo uu sheegay in gudiga ay tahay in uu dejiyo habraaca doorashada, go'aanna ka gaaro qofka xil ka qabanaya Galmudug, kadiban uu mas'uuliyadda la wareego barlamaanka la dooran doona ee Galmudug.

Dr Cabdiraxmaan Baadiyow oo BBC-da la hadlay markii uu shirka soo dhamaaday ayaa waxaa uu sheegay in waxyaaba badan lagu heshiiyay oo ay kamid tahay qaabka maamul dhisida.

"Waxaa lagu heshiiyay in la dhiso Galmudug, oo gogol xaarkan uu bixiyo soo jeedino iyo go'aano uu qaatay, go'aanadii na waa uu qaatay, wax Alle wixii xal u baahan na waxaa ku ridnay laba khaanadood- khaanadda koowaad waa tan shirka soo socda ee xulista xiildhibanaada, su'aalahana waxay ka taagan yahay Yaa ah dhaqankii saxda ah Yaase ahayn? Qeybta labaadna waxaa waaye khilaafaadka beelaha dhexdooda, taas na waxaan u rarnay dowladda la dhisi doonaa", ayuu raaciyay Dr. Baadiyow.

Wali dowladda wax jawaab ah kama bixinin hadalka ka soo yeeray axsaabta siyaasadda.

Shirka gabagabdiisa ayaa waxaa ka qeybgalay madaxda Galmudug iyo Madaxweyne Farmaajo
Inbadan oo kamid ah beelahan ayaa guddiga uu sheegay inay wax ka tabanayeen qaabkii loo dhisay maamulkii hore ee Galmudug ee la dhisay sanadkii 2015-ka oo oday dhaqameedyo aan sax ahayn oo badan la sameeyo oo qaar badan oo kamid ah ayaa ka tabanayay inay odayaashoodii dhaqanka ee saxda ahaa laga tegay.

Inkastoo qeybtii koowaad ee dib u heshisiinta shirka beelaha Galmudug uu soo dhamaaday ayaa wixii hada ka dambeeya waxaa loo guda geli doonaa magacaabista guddi farsamo oo soo xuli doono odayaasha dhaqanka, kadibna loo gudageli doonaa xulista xildhibaanada Galmudug iyo maamulka guud ee Galmudug, arrintaas oo ay la wareegi doonta wasaaradd arrimaha gudaha ee dowladda federaalka, balse ay ka biya diidsan yihiin qaar kamid ah axsaabta siyaasadda ee dalka.

Dowladda Federaalka ayaa in muddo ah culeys kala kulmeesay maamul dhisida Galmudug, waxana la garaneyn halka uu ku dambeyn doonaa walaac ay muujiyeen saamileyda siyaasadda ee Soomaaliya iyo sida dhinacyada Galmudug ay u aqbalaan qorshaha ay soo jeedisay Dowladda Federaalka.

Xiggasho: BBC

Category