Odensa- Denmark: Xildhibaan Abdirashiid oo kabaxey xisbiga Alternative oo uu umatalayey gollaha degaanka

RH: Waxa uu noqdey xubintii ugu dambeeysay ee xisbigaasi ku lahaa gobalka Fyn, tan iyo bishii Feberaayo waxaa xisbigan sagootiyey 5 xubnood oo saddex kamid ahi kasoo jeedaan gobalka Fyn, waxaana xisbiga guud ahaan dalka ugu hadhey 14 xubnood oo kalliya,

Xisbiga Alternative  ayaa u muuqda in uu hayo dhabadii burburka kadib kolkii xibigaas uu ka tagey gudoomiyahoodii hore  Uffe Elbæk, kadibna ay xubnihii xisbigu ku kala qeybsameen qofkii buuxin lahaa jagadaas  taas oo kamadambeystii loo doortey haweenayda lagu magacaabo Josephine Fock.

Nasiib daro gudoomiyahan cusub ayaa noqotey qof aan la isku raacsaneyn oo mucaaradad badan isla markaasina la kulantay  dhaleecayn badan oo saxaafada loo soo mariyey taas oo ku saabsan dad la dhaqankeeda  balse  waxaaney ku adkeysatey in ay xisbigaas hogaamiso ,

Intaas wixii kadambeeyey maallinba ay xubin muhiim ah ayaa xisbiga iskaga tageysay si ay xisbi kale ugu  biirto, wallina ma muuqato in ay gudoomiyuhu dhibaatadaas iyo iyo dhiigbaxaas xisbiga ku socda ay  garwaaqsatey.

Xildhibaan Abdirashiid oo la waydiiyey maxaad xisbiga uga tagtey ayaa ku jawaabey 

"Aadbaan uga fikiray sidii uu  xisbiga u badbaadilahaa , hadii se ay rejo ii muuqan laheyd kamaan tageen xisbiga".

Xidhibaan Abdirashid Abdi ayaa hada ku biirey xubnaha xisbiga  SF ugu jira gollaha degaanka ee degmada Odensa.

 

Diyaarinta Mohamed-amin Siyad Abdi

 

 

 

Category