Qalbi-dhagax oo booqday Hargeysa

Hargeysa (RH)- Magaalada Hargeysa, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin Shiikh Muuse oo ku magacdheer Qalbi-dhagax, kaasoo ka tirsan ururka ONLF.

Dadweyne fara badan oo huwan calanka jabhadda oo ay ku jiraan guddoomiyaha gobalka Maroodi-jeex, xubno ka tirsan golaha deeganka, xisbiyada mucaaraadka, oday dhaqameedyo iyo haween ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Cabdikariim Qalbi-dhagax oo hadal kooban u jeediyey dadkii soo dhaweeyay,ayaa sheegay in salaan uga sido dadka reer Somaliland hoggaamiyaha ururka ONLF iyo xoghayaha jabhadda xorreynta Ogaadeeniya.

Qallbi-dhagax ayaa ka mahadceliyey sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hargeysa, isagoo sheegay in dhawaan Hargeysa ay imaan doonaan xubno ka tirsan ONLF.

Warar la isku haleen karo ayaa sheegaya Qalbi-dhagax inta uu joogo Hargeysa in uu la kulmi doono madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda xisbiyada mucaaraadka ee UCID iyo Waddani.

Somaliland kama hadlin booqashada Qalbi-dhagax, sidoo kale ma sheegin mowqifka ay ka aaminsan tahay ururka ONLF ee ka dagaallama waddanka Itoobiya.

Qalbi-dhagax oo sannadkii horre laga qabtay Soomaaliya loona gacangaliyey Itoobiya ayaa isla sanandkan la soo daayey, waxaana Itoobiya ay liiska argagixisada ka saartay ONLF.

Waa sarkaalkii ugu horreeyay ee ONLF ka tirsan oo booqda Hargeysa, halkaasna si weyn loogu soo dhaweeyay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category