Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho iyo war kale

Muqdisho (RH)-Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada millitariga ee Soomaaliya, ayaa maanta xabsi saddex sanno ku xukuntey ku simihii agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha maamulka gobalka banaadir Nuur Cali Mahad Alle, kaddib markii lagu helay inuu horrey uga tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Ninkan ayaa in muddo ah xabsi ku jiray waxaana ku socday baaritaan.

Maxkamadda ayaa sidoo kale maanta sii daysay nin lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed oo ay walaalo ahaayeen Basiiro Cabdi laakin magaceeda saxda uu ahaa Maryan Cabdi taasoo la sheegay in ay fulisay qarixii lagu qaaday aqalka dowladda hoose 24-kii July sannadkii horre, dadka ku dhintay uu ku jiray duqii magaalada Eng Cabdiraxmaan Cumar Yariisow.

Dhinaca kale, qarax noociisa uu yahay miinada meelaha fog fog laga hago oo ka dhacay meel u dhow isgoyska Ex-control Afgooye ayaa waxa lala eegtay gaari ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa millitariga Soomaaliya waxaana ku dhintay ugu yaraan saddex askari labo kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay goob-jooge sheegeen.

Qaraxa ayaa waxaa sheegtay ururka Al-Shabaab.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category