Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Oo Caawa ka Dhacay Magaalada Buuhoodle

Buuhoodle(RH)Wararka Naga soo gaadhaya Magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in caawa Qorax Xoogani ka dhacay  Gudaha Magaalada Buuhoodle kaasi oo sababay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawacba leh.

q

Qaraxan ayaa la sheegay in loo Adeegsaday Gaadhi laga Soo Buuxiyey Waxyaabaha Qarxa oo Noociisu yahay Nooha .

q3

Waxaanay Wararka Naga soo gaadhaya Magaalada Buuhoodle Xaqiijinaya in Qaraxaasi ay ku geeriyoodeen inta la Ogyahay Afar Qof oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha guddaha Maamulka Khaatumo  Ahmed Maxamuud Doolaal iyo sidoo kale Dhaawaca Tiro kale oo hada Dhaawacooda lagula Tacaalayo Cispitaalka Magaalada Buuhoodle Ilaa hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan.

q2

 

Qaraxan ayaa Noqonaya kii Ugu Horeeyey ee Noociisa ah ee ka Dhaca   magaalada Buuhoodle.

 

 

 

Category