Ra’iisul-Wasaaraha Itoobiya Oo Reer Eriterea Ugu Hambalyeeyey 28 Guurada Madaxbannaanidooda

Addis Ababa(RH)Ra’iisul-wasaaraha Dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa dhambaal hambalyo ah u diray  Dowlada iyo shacabka Eriterea  isagoo Ugu Hambalyeeyey sannad guurada 28-aad ee ka soo wareegtey Madax-bannaanidooda.

Siday baahisay warbaahinta dawladdu wuxuu Ra’iisul-wasaare Abiy uu dhambaalkiisa Hambalyada ah ku yidhi “Waxaan dhambaal hambalyo ah gaadhsiinayaa shacabka  iyo dawladda Eriterea oo aan ku bogaadinayo munaasibadda 28 Guurada madax-bannaanida Eriterea.”

Abiy Axmed wuxuu sheegay in kor loo sii qaadi doono cilaaqaadka walaaltinimo ee Itoobiya iyo Eriterea. Waxaanu ballan qaaday in iskaashiga labada dal noqon doonaan qaar labada dalba dani ugu jirto.

Waxa kaloo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya nabad iyo horumar u rejeeyey shacabka reer Eriterea.

 

Category