Raysa wasaaraha cusub oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Muqdisho (RH)-Xaflad maanta ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxaa si rasmi xilka loogu wareejiyay ra'iisal wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble oo dhawaan xilkaa uu u magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sii hayaha xilka raysal wasaaraha, Mahdi Guuleed Khadar ayaa ku wareejiyay xilka ra'iisal wasaaraha cusub, waxaana xafladda goob-joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey, qaar ka mid ah wasiiradii horre iyo xildhibaanno.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka

Ra'iisal wasaare Rooble ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dardargalisa howlaha hadda u harsan dowladda.

Ra'iisal wasaaraha cusub ayaa ballan qaaday inuu wax ka qaban doono tacadiyada lagula kaco haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed gaar ahaan kufsiga oo ku soo noqnoqday

Waxa uu sheegay in uu magacaabi doono khabiir siyaasadeed oo dowladda iyo hey'addaha sharciga kala shaqeeya tacadiyada dalka ka dhaca.

Raysal wasaaraha cusub ayaa u mahadceliyay labada golle ee baarlamaanka oo shaley ansixiyay heshiisyadii madaxda dowladda iyo dowlad goballeedyada ay ku gaareen Muqdisho.

Waxa uu mahadceliyay ciidamada xoogga iyo kuwa AMISOM oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category