Raysal wasaare Rooble oo ka hadlay cabsi ka soo yeertay mucaaradka

Muqdisho (RH)-Ra’iisal wasaaraha  Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wararka sheegaya in dowladda ay rabto in caburiso mucaaradka, kaddib magaalada Muqdisho uu ku soo dhammaaday shir socday saddex cisho ay la haayeen inta badan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha doorashada 2021.

Ra'iisal wasaare Rooble oo ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee walaaca ka muujiyay Guddiyada doorashooyinka Qaranka uu diyaar u yahay in uu kala hadlo guddiyada iyo wax loo idmaday.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in guddiyadu la magacaabay ay ku yimaadeen heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho ay ku gaareen Dowladda Federaalka, dowlaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo xusay in mas’uuliyadda culus ee loo igmaday uu ka rajeynayo in si daacad ah ay u gutaan.

“Waxaa jiro rag walaalahey ah oon si fiican u garanayo oo musharaxiin ah oo walaac ka muujiyay guddiyadaas lasoo magacaabay,waxaan walaalahey ka codsanayaa in aan diyaar u ahay mar kasto sidii aan u fahamsii lahaa, si walaaltinimo ku jirtana aan ulana tasha lahaa waxa la soo magacaabay in ay yihiin wax macno leh oo ummadda ka gudbinaya doorashooyinka una gudbinaya xukuumad cusub”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Hadalka raysal wasaaraha ayaa imaanaya iyadoo qaar ka mid ah mucaaradka dowladda ay saluugsan yihiin qaabka loo soo xulay guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category