Reer Fredericia oo isugu soo baxey baroordiiqda Qaasim Cabdulxafiid.

RH. Kolding: Ku dhawaad 300 qof oo ka mid ah dadweynaha degan xaafada  Korskærparken ayaa isugu soo baxay habeenimadii Jimcihii 28.02. saacadu markii ay aheyd  7 dii fiidnimo si ay ugu baroor diiqaaan 24 jirkii Soomaaliga ahaa ee ee bishii hore dhamaadkeedii lagu toogety laguna dillay isla xaafadaas.

Waxay dhigeen xidhmooyin ubaxa,  sawikiisa iyo shamac olololaya  goobti lagu toogtey oo ay isugu soo ururureen , waa ay wada murugeysnaayeen, qaar waa ooyayeen , kuwo kale laabtey isa saarayeen si ay isula qeybsadaan murugada .

Isu soo baxa baroordiiqda ah waxaa qabanqaabiyey Nadim Beyduun oo ah wiil dhallinyaro ah oo ay saaxiibo ahaayeen Qaasim Abdulhafid.

Ma u filaynin in dadku sidaas ugu dhago nuglaan doonaan yeedhmadiisa waanu u mahadnaqey isaga oo qiireysay markii ay goobta isugu yimaadeen , kun jeer ayaan idiin mahadnaqayaa , waanu ku farxilhaa hadii uu maanta ogaan lahaa Qaasim ayuu ku tiraabey isaga oo la hadlaya dadkii isusu soo baxay.

Dadkii goobta isugu yimi waxa ay ka sinaayeen in ay ku tilmaameen Qaasim in uu haa wiil wanaagsan oo ixtiraam badan.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadashay Khadra Maxamed oo taqaaney Qaasim ilaa yaraantiisii oo iyada oo qiiraysan dhalllinyaradii goobta isugu timid uga digtay khataraha jira iyo sida ay u dhicikaraan wax aan la filankarin oo waalidka naxdin iyo murugo ku reeba  hadalkeedii waxaa kamid ahaa ”” qofna muu muteysanin in uu sidan u dhinto, Qaasim waxaan salaamey subaxnimdii todoba saacadood kadibna waxaan maqley wuu dhintay, noloshiina iyo mustaqbalkiina ka fikira wiilal yahow” hadalkaasi wuxuu u eekaa mid dhallinyaradii aad uga daadagey .

vgf

Waxa iyaguna ka hadlay goobta laba siyaasi oo ka tirsan xisbiyada Sooshalka iyo Fenestaqa si ay wada jirka ugu  muujiyaan dadka xaafada.

Ugu dambeyn waxaa goobta ka hadley ururka soomaalida oo dadkii isu yimid u mahadcelieyey Qaasimna u duceeyay iyagoo sheegay in ay iclaamin doonaan maallinta aaska marka ugu horeysa ee ay suurtogal noqoto in maydka la’aasi karo.

vcff

Qaasim waxaa shafka kaga dhacdey xabad lagasoo ridey meel aan kafogeyn isaga oo  marayey xilligaasi xaafadii uu daganaa ee Korskærparken  oo ka tirsan magaalada Fredericia ee wadanka Denmark  24 kii bishii hore ee Febraayo oo aheyd maallin isniin ah walina lama cadeyn sababta toogashadaas  keentantay, waxaase u xidhan kiiskan tiro dad ah oo gaadheysa 9 qof oo uu ku jiro nin l la tuhunsanyahay in uu isagu xabada ku soo riday.

 

Diyaarinta.

Mohamed-amin Siyad Abdi

Category