Roobab Dad iyo Duunyaba Lagu Diirsaday Oo ka Da’ay Gobolada Sool iyo Xaysimo

Hargeysa(RH):-Roobab lagu diirsaday ayaa ka da’ay deegaano ka tirsan gobolada Sool iyo Xaysimo oo ay ka jirtay abaar baahsan iyo biyo la’aan taabatay nolosha dad iyo duunyo.

Raxmaad ALLE ee ka da’ay deegaanada ka tirsan gobolada Sool iyo Xaysimo waxaanay dadka deegaanku aad ugu diirsadeen, isla markaana ku shugri naqeen nimcada ALLE siiyey iyo roobka guga ee u curtay Deegaanadaasi Bariga somaliland.

Deegaanada labada gobol ee roobabka gugu ka curteen, ayaa kala ah:-Degmada Xudun, kulaal, Sarmaanyo, waxaro ciyaarshe, Awr-boogays, holhol, carrooley, godaalo, iyo nawaaxiga magaalada Taleex.

 

Category