Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland Oo  Tababar loo soo Xidhay

Berbera(RH):-Mas’uuliyiinta gobolka Saaxil ayaa tababar usoo xidhay 25-  sarkaal oo kamid ah ciidanka Badda iyo ilaalada xeebaha Somaliland.

Xafladda shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay ciidankaasi isla markaana loogu soo xidhay tababarka ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland iyo Saraakiisha sare ee ciidanka badda iyo ilaalada xeebaha Somaliland.

Saraakiishaasi ayaa bartay farsamooyinka cillad saaridda doonyaha iyo waddida Maraakiibta, qaabka badda loo maro, sida loogu gurmado haddii cidi dhibaato kula kulanto badda iyo waxyaabo kale.

Masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo degmada Berbera oo xafladdaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay tababarka aqoontooda kor loogu qaadayo saraakiisha ka tirsan ciidanka badda iyo ilaalada xeebaha Somaliland.

Ugu dambayna Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland ayaa halkaasi shahaadooyin ku guddoonsiiyay ciidanka dhamaystay tababarkaasi.

 

Category