Sawirro: Wafdi ka socda beesha caalamka oo tegay Kismaayo

Kismaayo (RH)-Magaalada Kismaayo waxaa maanta tegay wafdi ka socda wakiilada beesha ka jooga magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Jemes Swan waxaana ay la kulmeen madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Wafdiga beesha caalamka ee tegay Kismaayo ayaa u jeedkooda waxa uu yahay siddii xal looga gaari lahaa khilaafka hareeyay doorashada Soomaaliya oo waqtigeeda dhaafay iyo hirgalinta heshiiskii madaxda dowladda iyo kuwa maamul goballeedyada ay gaareen 17-kii September ee sannadkii horre.

Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa weli ku qanacsaneen sida ay dowladda wax u wado, waxaana ay qaadaceen in ay ka qeybgalaan shir uu ku dhawaaqay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Farmaajo.

Wafdiga beesha caalamka ee tegay Kismaayo

Wafdigan ayaa shaley tegay magaalada Garowe, halkaasoo ay kula kulmeen madaxweyne Saciid Cabdillaahi Deni iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Illaa hadda waxa xal laga gaarin ismaandhaafka doorashada, waxaana jira walaac ay qabaan beesha caalamka oo ku aadan in Soomaaliya ay markale ka dhacayaan qas iyo jahwareer.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category