Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqmeed Oo kulan Xasaasi ah la Yeeshay  Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(RH):-Siyaasiyiin ka tirsan Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Madax-dhaqameed ka soo jeeda bariga Burco, ayaa la sheegay in ay kulan xasaasi ah oo ay la qaateen Madaxweynaha Somaliland, ay soo gaadhsiiyeen farriimo iskugu jiray cabasho iyo weli ba sida oo kale in la gaadhey wakhtigii Madaxweyne Biixi uu xilka guddoomiyenimo ee KULMIYE ku soo wareejin lahaa beelaha ka soo jeeda bariga Burco.

Wararku waxa ay sheegayaan in kulankaas ay hor kacaayeen wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo sida oo kale Boqor Cismaan Buur-madow, kuwaasi oo Madaxweynaha kala hadlay arrimo khuseeya dhulalkii uu Madaxweynahu dib ugu soo celiyey gacanta dawladda ee Gandi Library iyo Hargeisa Club oo  xukuumaddii hore ay ku wareejisay ganacsade Ina-Xarbi iyo Suldaan Siciid isla mar ahaantaana iyaga oo Madaxweynaha ka codsadeen in uu goobahaas dib ugu soo celiyo gacanta dadkii ay hore ugu wareejisay Xukuumaddii Siilaanyo.

Waxa kale oo wararku sheegayaan in Siyaasiyiintan iyo Madax-dhaqameedkani ba ay Madaxweynaha kala hadleen in Sideed guri oo ka mid ah guryahii hore ay u bixisay Xukuumaddii hore oo hadda ka mid noqonaya guryaha ay Xukuumaddu dib ugu diiwaan-gelinayso hantida qaranka isla mar ahaantaana dadkaa hore loo siiyey ee ka soo jeeda bariga Burco aanay u haysanin sharciyad u dhammeystiran, waxaana ay sidoo kale halkaas ku soo bandhigeen guryo tiro badan oo la sheegay in sifo aan sharci ahayn ay gacanta ugu jiraan dad ka soo jeeda beesha Madaxweynaha.

Wararku, waxa ay kale oo ay aad u tilmaameen in kulanka laftiisa lagu soo hadal qaadey wakhtiga  Madaxweynahu uu beesha bariga Burco ku soo wareejinaayo guddoomiyenimada KULMIYE isla mar ahaantaana la gaadhey wakhti la sheegay in ay hore ugu balansanaayeen Madaxweyne Biixi.

Dood adag oo saacado qaadatay ka dib, sida ila-wareedyadu sheegayaan, ma jiraan wax midho dhal ah oo ka soo baxay kulankaasi, balse waxa la sheegay in Madaxweynahu uu ka garaabay qodobo ka mid ah kuwa loo soo gudbiyey isaga sida oo kale na ka gows qabsadey ka hadalka wareejinta guddoomiyenimada KULMIYE.

Dhinaca kale, kulankan lagu kala kacay ee dhex-marey Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah haldoorka bariga Burco, ayaa u muuqda mid sii kululeeyey shir dhawaan laga ga dhawaaqey gobalka Sanaa goo beesha Uduruxmiin sheegtay in ay ku qabaneyso deegaanka Maax ee gobalkaasi, waxaana illaa shalay soo baxaayey taageero tiro badan oo loo muujinaayey kulankaasi oo lagu sheegay in uu yahay mid aayo ka tashi ah.

 

Category