Somaliland Iyo Kenya Oo Yeelanaya  Iskaashi Ganacsi

Hargeysa(RH)Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Magaalada Nairobi, ayaa baahiyey in Dowladaha Somaliland iyo Kenya ay ka wada shaqeynayaan  sidii ay u yeelan lahaayeen cilaaqaad adag oo dhinaca ganacsiga ah.

Warka Wargeyska Daily Nation uu daabacay maanta waxa lagu sheegay in labada dal ay dhiirigelinayaan maalgashiga xudduudaha iskaga gudba, warbixintaasina waxay u qornayd sidan:-

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Kenya Mr. Peter Munya ayaa  kulan xafiiskiisa kula yeeshay danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar, waxaanay  labada dhinac  falanqeeyeen fursadaha maalgashi ee labada dalba  ugu jirto danaha dhaqaale.

Waxa kaloo Kenya iyo Somaliland ay sheegeen inuu  socdo qorshe lagu bilaabayo duulimaadyo toos ah oo iskaga goosha Hargeysa iyo Nairobi. Waxa kaloo ay intaas ku dareen in himiladda labada Waddan ay ka mid tahay inay iskaashi yeeshaan dekedaha magaalooyinka Berbera iyo Mombasa.

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Kenya, Peter Munya  wuxuu  tilmaamay in dalkiisa iyo Somaliland ay wax badan wada qabsan karaan, waxaanu xusay inay Somaliland u soo bandhigtay maalgshadeyaasha Kenya fursado badan oo maalgashi.

Danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay inay Wasiirka Ganacsiga Kenya isla soo qaadeen sidoo loo taabogelin lahaa iskaashiga masaalixdu ugu jirto labada dowladood.

Safiir Baashe Cawil wuxuu caddeeyey  in Somaliland ay iskaashiga ganacsi la leedahay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, isla markaana ay  albaabada u furayaan ganacsatada reer Kiiniya.

Wasiirka Ganacsiga Kenya, ayaa hore booqasho ugu yimid Somaliland xiligii uu ahaa Badhasaabka Gobolka Meru, waxaanu suuq u qalqaalinayey  sidii Jaadka Miirooga loo keeni lahaa Somaliland.

 

Category