Somaliland Oo Joojisay Rakaabka ka Imanaya Yurub iyo Maraykanka

Hargeysa(RH)Guddiga heer Qaran ee u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa soo saaray Awaamiir cusub.

War-murtiyeedkan oo uu ku saxeexan yahay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ahna guddoomiyaha guddida heer Qaran ee u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga cudurka Coronavirus, mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 30-ka bishan March oo berri ku beegan la joojiyey dadka reer Somaliland ka soo dhoofa Yurub iyo Waqooyiga Qaaradda Ameerika.

War-murtiyeedkan oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Radio Hormuud ayaa u dhignaa sidan:-

Guddida heer qaran ee u diyaar garawga iyo ka hor-taga xaruunka covid 19 oo uu Shir-gudoominayay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ahna gudoomiyaha guddida mudane Cabdiraxmaan Saylici waxay maanta oo ay Taariikhdu tahay 29 2020 shir ay ka yeesheen khatarta sii faafaysa, ee Covid19.

Guddidu waxay qiimayn ku samaysay Rakaabka ka imanaya dalalka Yurub iyo waqooyiga Maraykanka ee u soo safraya Somaliland, oo laga cabsi qabo in qaar ka mid ah rakaabkaasi ay qabaan xannuunka Covid-19 ayaan dalka iman karin.
Sidaasi darteed guddidu waxay go’aamiyeen

1.in laga bilaabo maalinta Isniinta ee taariikhdu tahay 30 bisha sedexaadd aanay dalka u soo safri karin rakaab ka imanaya dhamaan dalalka Yurub iyo waqooyiga Maraykanka.\

2 Dhamaan diyaaradaha Somaliland yimaada waxaa lagu wargelinyaa in aanay rakaab ku soo socda Somaliland aanay ka soo qaadi karin dalalka Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka

 

WR

 

Category