Somaliland Oo ka Qaybgashay Shir Lagu Xoojinayo Iskaashiga Ganacsi ee Ingiriiska iyo Afrika

Hargeysa(RH):-Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya, Md. Baashe Cawil Cumar, ayaa ka qaygalay shir ay soo qaban qaabisay Waaxda ganacsiga ee dalkaasi oo ay iskugu yimaadeen Dawladda Ingiriiska iyo Ganacsatada Afrikaanka ah, si la isula falanqeeyo fursadaha maalgashi ee Qaaradda Afrika.

 

Wargeyska East  Afrika Business Week oo ka soo baxa dalka Uganda, ayaa daabacay qormo dheer oo uu ku sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay raadinayso habkii ay Maalqabeennada iyo Shirkadaha Ingiriiska ah ugu guubaabin lahayd inay xidhiidh ganacsi la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Isla markaasina ay in Jamhuuriyadda Somaliland ay doonayso inay ku qanciso ganacsiyada, shirkadasha iyo maalgashadaayaasha dalka Ingiriiska inay ku dhiiradaan inay qayb ka noqdaan iskaashiga u dhexeeya Boqortooyada Ingiriiska iyo Afrika, kana faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland”

 

Danjire Baashe Cawil ayaa sheegay in Dekedda Berbera ee ay ballaadhinta ka waddo shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabtu ay gebogebo marayso, taas oo door weyn ka ciyaari doonto oo xuddun u noqon doonta Ganacsiga Geeska Afrika.Waxaanu ku baaqay in laga faa’iideysato maalgashiga Somaliland.

“Waxay ahayd wax weyn inaan qayb ka ahaado shirka la doonayo in la isku xidho ganacsiyada Ingiriiska iyo Afrika ee diiradda saaraya abuuritaanka fursado maalgashi ee mustaqbalka kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha iyo tikniyoolajiyadda cagaaran. Waxaanu sidoo kale jecel nahay in aannu ka codsano ganacsatada UK inay ku dhiiradaan dekedda Berbera oo door weyn ka ciyaari doonta horumarka Geeska Afrika” ayuu yidhi Baashe.

Danjire Baashe Cawil wuxuu sheegay in Somaliland ay door firfircoon ka ciyaari doonto iskaashiga UK iyo Afrika, iyadoo siinaysa fursado muwaadiniinta Ingiriiska ah inay ku dhiiradaan oo ay maalgashi ku sameeyaan dalka Somaliland.

“UK uma baahna wax hordhac ah oo ay u soo gudbiso Somaliland. Ingiriisku wuxuu markii ugu horraysay booqasho ku yimid Somaliland 100 sanon ka hor, wuxuuna dalka u rogay maxmiyad ka hor intii aanaan xornimada qaadanin sannadkii 1960. Boqortooyada Ingiriiska way ogtahay awoodda Somaliland iyo waxa dalku ku yaboohi karo ee ku saabsan fursadaha maalgashi, ”ayuu yidhi Baashe.

Dood-wadaageyaashii intii shirku socday waxay u aqoonsadeen tamarta la cusboonaysiin karo in ay tahay fursad muhiim u ah dib uga soo kabashada Afrika ee COVID-19 iyo barwaaqada dhaqaale, maadaama ay ku baaqeen iskaashi adag oo u dhexeeya Boqortooyada Ingiriiska iyo Afrika.

Guddigu, wuxuu hal ku dhig ka dhigey Ingiriiska iyo Afrika: Iskaashiga kaabayaasha waara iyo adkeysiga kaabayaasha dhaqaalaha, waxay ka wada hadleen doodo ku saabsan hal-abuurka Ingiriiska iyo waayo-aragnimada la xidhiidha iskaashiga Afrika si loo horumariyo arrimaha dhaqaalaha. Xubnaha guddiga ayaa sheegay in maalgashiga mashaariicda ballaadhan ee korontada ay fure u noqon doonto.

Wadamada Afrika ayaa si fiican uga soo kabanaya xanuunkii Coronavirus, ayuu yidhi Louis Taylor, oo ah agaasimaha guud ee dhoofinta maaliyada UK, isaga oo intaas ku daray in tani ay fursad u tahay maalgashadayaasha UK inay qayb ka noqdaan sheekada guusha Afrika iyo in dalalka Afrika ay helaan taageerada UK ee mashaariicda. ”

 

Category