Somaliland oo sheegtay in la sii deynayo wiil caan ka ah Tiktok oo Hargeysa ku xiran

Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay inuu aqbalay codsiyada ah in la sii daayo Bilaal Bulshaawi, oo caan ka ah barta Tiktok, kaas oo ku xiran magaalada Hargeysa.

Qaar ka mid ah dad ka soo qeyb galay munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa oo billad sharaf lagu guddoonsiinayay duuliye hore Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) oo la sheegay inuu diiday in diyaarad uu waday ay duqeyso Hargeysa sanadkii 1988, ayaa ugu baaqay dowladda Somaliland inay sii daayaan wiilkaas.

Wasiirka oo isagana munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aqbalay codsiyada loo soo jeediyay, ayna arrinta wiilkaas tallaabo ka qaadi doonaan.

Muuqaal laga soo duubay qoyska Bilaal ayaa waxay sidoo kale codsi ugu gudbiyeen Somaliland inay sii deyso wiilkooda.

Bilaal bulshaawi oo loo yaqaanno madaxweynaha Tiktok ayaa bishii la soo dhaafay lagu xiray Hargeysa.

Booliiska ayaa sheegay in Bilaal loo xiray muuqaal uu iska soo duubay isaga oo shaah ku midabeysan calanka Soomaaliya ku cabaya maqaayad ku taalla Hargeysa.

Labo jeer ayaa Bilaal la geeyay maxkamad, balse weli dacwaddiisa lama bilaabin.

 

xigashoBBC

Category