Somaliland Oo Siidaysay Fanaaniin Muddo Laba Bilood Ka Badan Ku Xidhnaa Hargeysa

Hargeysa(RH):-Xukuumada Somaliland ayaa Maanta Siidaysay laba hablood oo fanaaniin ah, oo muddo laba bilood ka badan ku xidhnaa Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa.

Labada Hablood ee fannaaniinta ah oo kala ah Xamda Qaali iyo Barwaaqo-qalanjo ayaa ciidammada Booliska ee Somaliland xabsiga u taxaabeen, ka dib markii ay ka soo laabteen magaalada Muqdisho oo ay ku tageen safar Faneed.

Labada Fannaan oo maanta markii la soo daayey la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay u Mahad-celinayaan madaxweynaha Somaliland, ciidammada Booliska oo si wanaagsan ula dhaqmay iyo cid kasta oo Gacan ka Gaysatay  arrinta siidayntooda.

Labada Fannaan ayaa siidayntoodu timid maalin ka dib, markii la shaaciyey heshiis ay Somaliland iyo Soomaaliya ku wada gaadheen dalka Jabuuti, kaasi oo qodobbadiisa ay ka mid yihiin in la ogolaaaday isku socodka labada Bulsho Isla markaana aan la siyaasadayn  labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga

Category