Soomaaligii Hiliblaha ahaa oo loo ogolaadey in uu Denmark sii joogo.

RH:Inkasta oo xaalada Soomaaliya lagu sheegay mid sugan marka loo eego barigii hore ayaa hadana guddiga sharcibixinta ee Denmark (Flygtningenævnet) ay u dheereeyeen ciqaamadiisii.Sidaas waxaa qoray maanta bogga internetka ee TV2.

Go’aan kan waxaa lagu gaadhey shir uu gudigu kiiskan ka yeeshay Isniintii shalley Ninkan 23 jirka ah oo lagu magacaabo Mohamed Ibraahim  ayaa warkaas ka dib aad u farxay. Waxaanu idaacada DR u sheegay in ay utahay maallin wanaagsen.

 Mohamed Ibraahim waxa uu ka midyahay 929 Soomaliya oo ciqaamadihii laga qaadey ama la diidey in loo cusbooneysiiyo maadaama oo hay’ada agaasinka qaxootigu ku qiimeysay xaalada Soomaaliya in ay tahay mid wanaagsan.

Mararbadan ayuu isumaleeyay in uu buuxiyey shuriidihii ciqaamada, waxaana ka mid aheyd mar uu xilliga habeenkii shaqeynjirey si mushaharkiisu u gaadho heerka la ogolyahay in ciqaamada lagu bixiyo,laakiin taasi way soconweyday waayo lacagta dheeraadka ee uu shaqaynayey ayaa la sheegey in uu guno ahaan u helay oo aaney aheyn mushahar toos ah.

Sida ay looyaradiisu u sheegtay DRp4 midt &Vest Mohamed Ibrahim kaliya waxa u suurto galliyey in ciqaamada loo dheereeyo waxaa xaakimku u cuskadey sharci hore oo hada la badaley , waxaanu si toosa u yidhi tanoo kale markale ma dhici doonto.

 

isha warka . TV2

Category