Taliska  Ciidanka Xeebaha Somaliland Oo Wada Qorshe Lagu Sugayo Amniga Xeebaha Dalka

Hargeysa(RH)Taliyaha Ciidanka Badda Somaliland Sareeye-guuto Maxamed Xuseen Faarax “Xiirane” ayaa bilaabay qorshe maalinle ah oo lagu dardargalinyo sugida xuduudanaha Badda Somaliland iyo adkaynta, illaalinta Maraakiibta sidda sharci darada ah ugu soo xad-gubi kara badda Somaliland,

xeeba

Taliye Xiirane oo kaashanaya saraakiishiisa iyo dhamaan xubnaha kala duwan ee Ciidanka Badda ayaa abuuray xarun ama xafiis warqabad oo si joogta ah xogaha ciidanka badda loogu kaydiyo, dhinaca kale Taliye Xiirane ayaa wadda qorsheyaal ay ka mid yihiin in Ciidanka loo sameeyo Aqoonsi u gaara oo lagu garto halka taliska guud ee ciidankana laga bilaabay dayactir iyo nashqadayn cusub.

 

Category