Thabo Mbeki oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Muqdisho (RH)-Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynihii horre ee Koonfur Afrika Thabo Mbeki ayaa maanta oo Sabti ah soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee mnagaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad.

Wafdiga waxaa kaloo soo dhaweeyay, danjiraha wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramad Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, James Swan iyo u qaabilsanaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Francisco Madeira iyo madax kale.

Wafdigan ayaa ka socda ururka midowga Afrika, waxaana ay u yimaadeen in ay xalliyeen khilaafka ka dhex aloosan waddamada Soomaaliya iyo Kenya kaasoo ku saleysan muranka badda.

Wafdiga ayaa shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Monica Juma iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaana wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Monica ay barteeda Twiter-ka ku soo qortay in wafdigaas herka sare ah ay ka wada hadleen ammaanka, xasiloonida iyo is dhexgalka gobolka.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka oo ku aadan wafdiga ka socda ururka midowga Afrika waxa ay u yimaadeen magaalada Muqdisho, sidoo kale ma cadda wax yaabaha ay u tageen magaalada Nairobi shaley.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category