Tooriyeyn xalay ka dhacdey Kalundborg iyo nin soomaaliya oo loo tuhunsanyahay dambiga.

RH: Nin da'diisa lagu qiyaasay 20 sano jir ayaa waxaa soo gaadhay dhaawacyo halis ah habeenimadii xalay ee sabtidu soo galeysay arintan ayaa  ka dhacay Kalundborg.

Sidaas waxa yidhi sarkaalka heeganka ka ah bilayska badhtamaha iyo galbeedka Shiilland, oo kiiska ula dhaqmaya sidii isku day dil.

Ninka ayaa toorey lagala dhacey qoorta iyo dhowr meelood oo kale oo jidhka kamid ah. Boolisku muu sheegin  in ay qaraabada qofka la dhaawacay lasocodsiiyeen arinka  iyo in kale.

Tooriyeyntan  ayaa ka dhacday Kordilgade oo ku taal degmada Kalundborg abbaaraha 01.19, markaas oo warbixintii ugu horreysay ay timid.

Booliska ayaa raadinaya nin goobta ka cararay oo aan la ogeyn jiho uu ubaxsadey.

Qofka la baadi goobayo ayaa ku jira horaanti 20aad ka waxaana la rumeysan yahay inuu asalkiisu yahay Soomaali.

Waxaa loo maleynayaa in ninkan lagu  tuhmasanyahay dambiga  iyo dhibanahu ay horay isu yiqiineen  , booliska ayaa loo sheegay  in xoogaa khilaaf ah uu ka dhacay bartamaha wadada kadibna mindi la isu adeegsadey.

wadada Kordilgade ayaa markii dambe laxidhay, dambi baadhayaasha booliiska iyo eeyaha raadinta ayaa loo yeedhay si ay baadhitaanno u sameeyaan.

 

isha warka . Fyens.dk

Category