Vollesmose: Odensa. Nin gabadh uu dhalley middi la dhacey.

RH:Denmark:  Markii aan soo dul istaagey waxaan u haystay inay dhimatey , wajigeedu midabka huruuda ayuu ahaa, maney libiqsaneyn, dhulka oo dhamina wada dhiigbuu ahaa, sidaas ayay Radio24/7 u sheegtay   gabadh dariska ah oo ku carartey guriga arintu ka dhacdey  markii ay baroortu yeedhay.

Intii aanan furin albaaka waxaan eegay diirada albaabka, waxaan arkey nin kor uqeylinaya oo madaxiisuna fooraro oo jaranjarta hoos uga siidagaya ayay raacisay iyada oo fasireysa sida waxa u dhaceen.

waxaan aad uga naxay hooyadii caruurta dhashay oo dulfadhida gabadheedii oo wada dhiig ah  oo aan hadli karin iyo wiilyar oo 10 jir ah oo albaabka agtiisa ka ooyaya . sidaas ayay saxaafada u sheegeen darisku.

waxay ahaayeen qoys wanaagsan oo na salaama marka ay naga soo hor baxaan manaananu filayn in dhib intaas le egi uu qoyska dhexyaal ayay sheegeen reer ka hooseeya  guriga ay daganaayeen.

 

 

mmmm

 

waxaa gabadha dhaawaca ah ku yaal ugu yaraan saddex nabar oo ah middi laga galliyey gaar ahaan caloosha iyo bawdada.

waxaanay qaadatey saacad iyo badh tii ay ku jirey qolkii cisbitaalka ee lagu dabiibayey.

waxaa hada dambiga u xidhan aabaheed oo 51 jir ah, waxaana lagu xukumey in uu jeelka ku jiro mudo bil ah inta kiiska labaadhayo, balse isagu wuu diidey in uu dhibka geystay, waxaanu sheegay in madaxa lagaga jiro isla markaasina aaney xasuustiisu fiicneyn ''marka la igu  kaco  waxaan sameeyaa dalka ayaan ka dhoofaa oo waxaan u tagaa walaaladey iyo dalkii aan ka imid, si aaanan dhib u gaadhsiin caruurteyda'' ayuu booliiska u sheegay

Wuxuu dhoofi lahaa bil kahor  balse  waxaa safarkiisii hakiyey meherka iyo arooska inantiisan uu isagu dhaawacay oo 10 cisho ka hor uun dhacay sida uu sheegay.

Hooyada qoyska ayaa sheegtay in dhibku ka bilaabmey markii la isku afdhaafey cida ay guursatey.

æælo

 

 

 

Category