''Waan kaxumahay in uu xaafadeena yimaado'' Benny Rasmussen

RH. Kolding: Maallinta Axada 23.Sep. saacadu marka ay tahay 14:00 -18:00 waxaa xaafada Skovparken ee Soomaalida maagalada Kolding ku badan tahay imaandoonaa gudoomiyaha urur siyaasadeedka xagjirka ah  Mr.Rasmus Paludan , sababta uu imandoona ayaa la mid ah tii uu xaafada badan oo hore oo magaalooyin kala duwan oo Denmark ah ku tagey, taas oo ah in uu dood aflagaado wadata ka samayntoono xaafada si uu u helo dhageystayaal, tusaale ahaan mar todobaadkan ay saxaafadu waydiisay sababta uu u tagayo Skovparken wuxuu ku jawaabey ’’waxaa meesha degan dambiilayaal bulshadu ku khasaartay’’

U jeedadiisu waa in uu soojiito indhaha codbixiyaasha Denmark si uu ukasbado70,000 cod oo uu baarlamaanka kugallo sannadka dambe.

Inta  uu hawshan wado waxa uu sameyndoonaa in uu Video iska duubo si uu hadhow uu soo galliyo Youtubeka .

Amnigiisana waxaa illaalin doona oo la socda booliiska, maadaama oo sharciga dalku damaanad qaadey xuriyada hadalka.

Ninkan cusuriga ah ayaa ku ololeeya in muslimiinta Denmark laga nadiifiyo .

Mar todobaadkan ay saxaafadu waydiisay hadii kacdoon lagala horyimaado waxa uu  ku tallo galley in uu sameeyo  wuxuu ku jawaabey  ’’hadii ay igu qeyliyaan sidii ay sameeyeen reer Fredericia waxaan ku tallo gallay in aan soo qaato mikrafoon iyo sameecado waaweyn  dhawaaqeyguna meel cilo ah kuma dhici doono markan’’

Gudoomiyaha gudiga xaafada Skovparken Benny Rasmussen  ayaa yidhi ''waan ka xumahey in uu ninkani xaafadeena yimaado'' waxaanu rabaa in uu kala fogeeyo dadkii wadajirey ee xaafada deganaa, waxaan ku tallinayaa in aan loo tagin.

Dhanka kale  iskuulka Bramdrup ayaa ardeydiisa u sheegay in aaney aadin meesha ninkaasi ka hadlayo maallintaasi Axada oo ay guryahooda joogaan.

Sida ay sheegeen labada siyaasi ee kala ah Karina Lorentzen iyo  Lars Olesen oo ka tirsan gollaha degaanka ee magaalada Kolding gaar ahaan xisbiga SF Saacad kahor xilliga uu imaandoono Skovparken  waxaa isugu imaandoona dadka wanaaga jecel oo dhamaantood gacmaha is qabsan doona gaalo iyo Islaam si ay u muujiyaan wada jirkooda.

http://www.byplanlab.dk/sites/default/files1/KimHansenSkovparkenKolding.pdf  

 

Category