Wafti ka Socda Somaliland Oo Shir Caalami Ah kaga Qaybgaley Dalka Koonfur Afrika

Hargeysa(RH)Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal oo Safar shaqo ku jooga wadanka Koonfur Afrika ayaa dalkaas kula kulmay madaxweynaha dalka Siralyoon, wasiirka macdanta ee Siralyoon iyo wasiirka Macdanta ee dalka Maali.

Wasiirka oo uu safarkiisan ku wehelinaayo Agaasimaha Waaxda Macdanta ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Cumar Yuusuf Cumar, waxaanu wasiirku dalkaasi  Koonfur Afrika kaga qayb galay shir caalami ah oo lagaga hadlaayey Arrimaha Macdanta, kaas oo sannad walba lagu qabto magalaadda Cape Town ee wadanka Koonfur Afrika.

Waxa shirkan caalamiga ah kasoo qayb galay laba madaxweyne iyo 38 wasiir oo badankoodu ka yimid wadamada Qaaradda Afrika, waxaana mudadii uu shirkani socday waxa uu wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland la kulmay madaxweynaha dalka Siralyoon Md Juluus Maada , Wasiirka Macdanta ee dalka Md Siralyoon Foodo Raadoyooke, waxaanay wasiirka iyo madaxweynaha Siralyoono Juluus Maada oo uu wehelinaayey wasiirkiisa Macdantu si kooban uga wada hadleen sidii ay labada dal ee Somaliland iyo Siralyoon isaga kaashan lahaayeen soo saarista Macdanta  iyo sidii ay u wadaagi lahaayeen khibradda soo saarista macdanaha.

 

Waxa uu sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland la kulmay  iyo Wasiirka Macdanta  iyo Shidaalka dalka Maali Md Leliinta Hawaa Baaba , iyaga oo labada wasiir iska xog waraystay qaababka ugu haboon ee ay labada wadan uga wada faa’iidaysan karaan macdanta iyo shidaalka dihin ee ku duugan labada wadan.

 

Sidoo kale waxa uu Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md Jaamac Maxamuud Cigaal kulan la yeeshay madaxa Sanduuqa Horumarinta Arrimaha macdanta ee Bangiga Adduunka Md Sefeene Reendha iyo u qaabilsanaha macdanta ee Wasaaradda Ganacsiga Caalamiga ah ee boqortooyadda Ingiriiska Md Maak Ismiit , waxaana kulankan lagaga wada hadlay sidii loo yagleeli lahaa xidhiidh dhex mara labada dhinac iyo kor u qaadida aqoonta shaqaalaha wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland .

 

Ugu dambayna waxa uu wasiirku la kulmay shirkaddo iyo maalgashadeyaal caalamka ka kala socday oo shirkaas kasoo qayb galay , kuwaas oo danaynaaya in ay xidhiidh maalgashi la samaystaan Somaliland.

 

Category