WAR HADDA SOO DHACAY: Dagaal ka socda Muqdisho

Muqdisho (RH)-Mid ka mid ah degmooyinka Muqdisho ayaa waxaa xilligan ka socda dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan.

Goob-jooge ayaa u sheegay Radio Hormuud in dagaal la isku adeegsanayo hub culus uu ka socdo degmada Shangaani.

Dagaalka ayaa salka ku haya kaddib markii dad deggan dhismihii madbacadda ay diidaan in ay ka guuraan halkaas, maadama dhulka ay lee yihiin.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugidda ayaa dagaalka qayb ka ah.

Daryanka rasaasta ayaa laga maqlayaa degmooyinka u dhow Shangaani, mana cadda khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka ka socda degmadda.

Radio Hormuu

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category