War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Boosaaso uga socday Puntland iyo Jubbaland

Boosaaso (RH)-Maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa maanta oo Isniin ah si wadajir ah u shaaciyay War-murtiyeed, ay ka soo saareen shirkii wada-tashiga labada dhinac ee Sabtidii todobaadkan ka furmay magaalada Boosaaso ee xarrunta gobolka Bari.

War-murtiyeedka oo ka kooban saddex bog ayaa lagu soo bandhigay 16 qodob oo ka soo baxay Shirkii wada-tashiga Puntland iyo Jubaland ee ka qabsoomay magaalada Boosaaso, kaasi oo sida ay sheegeen socday mudda laba maalmood ah (Sabti iyo Axad).

Sida ku cad war-murtiyeedka Jubaland iyo Puntland, waxay si wadajir ah u qaaddaceen xeerarka ay meel-mariyeen baarlamanka Soomaaliya ee sharciga Batroolka, sharciga doorashooyinka, kan Saxaafadda iyo sidoo kale hannaanka loo maray dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka.

Sidoo kale, waxay ka digeen in la siyaasadeeyo deeqaha Caalamku siiyo Soomaaliya, arrimaha bulshada, barnaamijyada horumarinta, iyo duullimaadyadaa Rayidka ah, waxaana ay cambaareeyeen cuna-qabataynta xukuumadda federaalka Soomaaliya ay saartay duullimaadyada Jubbaland.

Puntland iyo Jubaland, ayaa sidoo kale dowladda federaalka ugu baaqay in ay fara-gelinta ka joojiso dowlad goboleedyada dalka, isla markaana xorriyaddiisa dib ugu soo celiso wasiirkii amiga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Dhinaca kale, waxay ku baaqeen in shir wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, loogana gudbo xaaladda cakiran dalku marayo.

Ugu dambeyntii, Puntland iyo Jubaland ayaa shaaciyay in ay dhisteen guddiyo iskaashi oo wadaag ah, kaasi oo ka shaqeynaya hirgelinta iskaashiga dhinacyada la’dagaallanka argagixisada, horumarinta dhaqaalaha, tayeynta hey’adaha dowliga ah iyo federaaleynta dalka.

Radio Hormuu

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category