War-murtiyeedka ka soo baxay heshiiska hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya

Muqdisho (RH)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Sabtidii shaley heshiis ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

War-murtiyeedka oo ka kooban 16 qodob, waxaana madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo wafuuda kala qeybgashay kulanka ay kawada hadleyn arrimo quseeya danaha labada dal oo isugu jira heer gobal iyo caalami.

Qodobada ku jira war-murtiyeedka waxaa ka mid ah in la sii xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee dhiigga iyo dhaqanka ee ka dhexeeya labada dad, mabaad’ida derisnimada iyo is qadarinta.

Labada hogagamiye waxa ay soo dhaweeyen sameynta guddi wadajir ah oo horrey loogu heshiiyey heer wasiiro in ay ka shaqeeyaan horumarka xiriirka diplomaasi iyo howlaha ganacsi ee labada waddan is weydaarsanayaan.

In labada dal ay is dhaafsadaan dhaqanka, cayaaaraha iyo waxbarashada.

In labadan dhinac qunsuliyad ka furtaan magaalooyinka waaweyn ee labada waddan.

Sidoo kale, labada hoggaamiye ayaa ku heshiiyey in la qaaddo tallaabooyin lagu oggolaanayo in badeecadaha si xor ah isaga gudbaan Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo la soo saarayo oggolaansho isla markaana la kordhinayo Fiisayaal gaar ah oo ku saabsan safarada waxbarashada, cayaaraha iyo isdhaafsiga dhaqamada si loo fududeeyo is dhexgalka bulshada labada dal.

Labada hoggaamiye waxa ay ku heshiiyeen in la horumariyo wax wadaqabsiga dhaqaale ee labada waddan iyadoo loo marayo adeegsiga dadka iyo kheyraadka.

In labada waddan ay sida ugu wanaagsan ee wax u qabtaan dhibaatooyinka ammaanka ee hadda jira
Weriyayaasha ka qeybgalay shirka jaraa’id ee heshiiska hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya

Waxaa kaloo heshiiska ku jirta in la abuuro kaabayaal dhaqaale iyadoo si gaar ah loo horumarinayo dekadaha iyo wadooyinka muhiimka ee isku xira labada waddan labna hagaajiyo adeegyada dekadaha badweynta Hindiya iyo badda cas.

Labada hoggaamiye waxa ay qireyn in ammaanka iyo nabadgalyadu ay shardi u yihiin horumar iyo barwaaqo labada waddan, saas awgeed waxa ay cambaareeyeen falalka argagixisada oo dhan sheegeenna in si firfircoon la isaga kaashado.

Dowladda Soomaaliya, waxa ay ammaantay ciidamada AMISOM oo Itoobiya ka mid tahay oo naftooda u huray la dagaallanka ayey yiraadeyn, waxaana waddamada saaxibka la ah Soomaaliya ugu baaqeyn in ay gacan ka geestaan nabadeynta Soomaaliya.

Labada hoggaamiye waxa ay sheegeyn xushmadda ay u hayaan qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, madax bannaaninada siyaasadeed iyo midnimada labada waddan, waxaana ay ugu baaqeyn dadka taladada Soomaaliya ka go’do oo dhan in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category