Warshiikh Waa Magaalo Ceynkee Ah?

Magaalooyinka ku yaalla xeebaha Soomaaliya waa ay ka fac weyn yihiin magaalooyinka kale ee dalka sida ay taariikhdu qoreyso waxana magaalooyinka ku yaalla xeebaha soo booqday boqolaal sano ka hor badmaaxiin iyo badmareeno aduunyada ka socday .

Warshiikh waxaa ay ka mid tahay magaalooyinkaa faca weyn leh sida Seylac, Muqdisho , Berbera,Bander Qaasim ama Booosaaso ,Marka ,Baraawe ,Kismaayo iyo kuwa kale.

Badmareenkii dalka Marooko ee Ibnu Batuuta ,markii uu ka yimid dhanka Yemen ee uu soo maray Seylac iyo Berbera oo uu Muqdisho u soo socday 1331 dii ,Warshiikh waxa ay ka mid aheyd magaalooyinkii xilligaa jiray ee uu ku soo hakaday ,waxaa xilligaasi maamulayay boqortooyadii Ajuuraanka oo qalcado ku laheyd ,wallow markii danbe dadka deegaanka ay xoog ku bixiyeen.

Warshiikh waxa ay gaar ku aheyd in ay aheyd magaalo taariikh ku leh barashada iyo fidinta diinta Islaamka walina si weyn loogu qaddariyaa .

Dhawaan ayaan tagay Warshiikh ,marar kaloo badana horey ayaan u tagay , dadka ku nool badankood waa xoolo dhaqato balse halka sheey ee aan is badalin waa maqalka digriga ,subaca ama aqrinta quraanka iyo bunka oo ay caraftiisu isgaarto fiidka Jimcuhu soo galayo oo aad moodo in guri walbo laga dubayo.

Gumeystihii Talyaanigu markii uu dalka soo galay Warshiikh waxa ay ka mid aheyd meelihii uu iska caabinta kala kulmay ,waxaanan ku arkay dhagax sawirkiisu halkan ku lifaaqan yahay oo ay ku qorneyd 21/4/1890kii ,waa maalintii la dilay Carlo Zavagli kabtankii hogaaminayay ciidamada badda Talyaaniga ,waxana maalinkaas madaafiicdii maraakiibta Talyaanigu ay ku soo ganeen weli lagu arkayaa xeebta Warshiikh.

Oday kamid odoyaasha oo weydiiyay nooca hubka xeebta aan ku arkay ayaa ku gaabsaday kaliya in ay u yaqaaneen Kanooni. Weerarkan waxaa jira sawiro iyo buugaag badan oo laga qoray waxaana ka mid ahaa “Il Drama di Warsheik.

Culumadii maalintaa dagaalka ka dhanka ah dhalinyarada guubaabineysay in ay ka dhiidhiyaan oo la dagaalamaan ku boorinyay waxaa ka mid ahaa Gabayaagii Shiikh Axmed Wacdiyoow oo gabay dheer oo uu jeediyay ay ereyadiisa ka mid ahaayeen

“Kufriga soo dagay baan diida leenahay
Oo kuwa danbe Ayaan u dariiq faleynaa”

Qalcadihii burburay oo qaarkood baddu liqday raadkoodii si weyn ayuu u muuqdaa , eeg sawirada qaar aan ka soo qaaday Xeebta Warshiikh.

Taalo uu Talyaanigu dhisay sarkaalkii laga dilay Carlo Zavagli waa ta weli ku taalla degmada Xamar Weyne

Warshiikh iyo Barashada Diinta Islaamka .

Caalimkii weynaa Allaha u naxariisto Sh: Cabdiraxman Sh: Cumar oo loo yaqiin “Shiikh Cabdi Celi” ayaa waxaa uu ka mid yahay mashaa’ikhda Soomaaliyeed ee culumo badan oo diinta islaamka fidinteeda ay ka aflaxeen oo wax ka barteen. Waxaan is weydiiyay sababtoo Shiikha magaciisa loogu xiray kan beesha deegaanka ee Celi Cumar ee uu ka soo jeedo ,waxaa markiiba ii sii baxday in waagii hore culumada Soomaalida reerkooda naaneys looga dhigi jiray ama magaciisa lagu xiri jiray sida culumo badan oo islaamka ah ,

Shiikh Maxamed Biyamaalow , Shiikh Aaden Geeladle
Sheekh Cabdi Baraawe, Sh. Axmed Gaballe
Sh. Cabdullahi Qudubi, Sheekh Max'ud Abgaalow
Shiikh Cabdi Shiikhaal iyo Shiikh Yusuf Direed iyo kuwa kale oo aan hadda xusuusan.

Shiikh Cabdi Celi kutubta uu qoray waa kuwa badan dhamaan

Magaalada ilaa maanta waxa ku yaal masjid jaamac ay xer badan diinta islaamka ku bartaan ,waxa uu leeyahay qeybo kale duwan oo waa sida jaamacad dhameystiran. Waxaad masjidka ku arkeysaa kutub gacanta lagu qoray (Far Guri) oo qaarkood xitaa ay la socdaan sharaxii .

Kutubada uu qoray Shiikh Cabdi Celi sida naxwaha ,sarfiga iyo sharaxooda waxa qaarkood la dhigay jaamacado waaweyn sida Azhar iyada oo aad loola yaabay qof aan Carab aheyn ,dhul carbeedna wax ku baran sida uu kutubtaas u qoray.

Mid ka mid ah dhalinyarada Wahaabiyada oo Sucuudiga wax ku bartay oo aadna u neceb suufiyada waxa aan afkiisa ka hayaa


“ Shiikh Cabdi Celi wuxuu ahaa caalim dhameystiran”

Masaajiadda ugu qadiimsan deegaanka waxaa ka mid masjid badda daanteeda aaran oo aan hadda aad loo isticmaalin. Waxaa masjidkan dhisay oo furay 1861-1862 Shiikh dhanka Yamen ka yimid oo Muqdisho ka soo guuray oo Warshiikhna markii danbe soo dagay oo allaha u naxariistee lagu magacaabi jiray Sheikh Abu Bakr bin . Mixdaar bin Axmad al-Kasaadi oo raadkii uu ka tagay oo dhan ay weli muuqanayaan. Sawirka Majsidka halkan ayuu ku lifaaqan yahay Shiikhaas .

Dadka deggan warshiikh waa dad ilbaxnimo ay ka muuqato ,dabacan malahan daaro qurux badan oo dhaqankii miyaga ayaa saameyn ku leh ,laakiin waa dad badankood daaacad ah oo suufiyada iyo ehelkii Shiikha aaminsan ,marti soorkana wanaagsan .

Warshiikh waxa aan kula sheekeystay Sh Qaasim Qaasim Sh Cabdi oo ah Shiikha xilligan ee degmada Warshiikh ,in kastoo isaga qudhiisa uu sii cuslaanayo hadana weli waxbarashadii iyo waxbaradii wuu wadaa cimrigiisa Allaha dheereyee , sawir aan la galay aniga oo Badda ku soo dabaashay halkan ayuu ku lifaaqan yahay.

W/Q:Maxamed Ibraahim Macallimuu

Category