Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jsl Oo Ka Hadashay Heshiiska Dhexmaray Somaliland Iyo Taiwan.

Hargeysa(RH):-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo maanta xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka xogwaramay xidhiidhka dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Taiwan.

 Ugu horayn wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) waxa uu sheegay in xidhiidhka dhexmaray Somaliland iyo Taiwan uu muddo dheer soo socday balse uu markii hore ku koobnaa iskaashi dhinaca waxbarashada ah gaar ahaa caafimaadka kaas oo ay ka wada shaqaynayeen xafiiska wakiilka Somaliland  u fadhiya ee dalka Ingiriiska iyo safaardda ay Taiwan ku leedahay dalkaas, iyada oo wixii ka dambeeyey bishii Feberuary ee sannadkii dhamaaday xidhiidhkaas labada dal loo wareejiyey dhinaca dalka Koonfur Afrika, kaas oo marba marka ka sii dambaysa sii xoogeysanayey, iyada oo wefti ka socda safaaradda Taiwan ay ku leedahay Koonfur Afrika ay dalka booqasho ku yimaadeen. Wuxuuna wasiir Fartoon intaas ku daray in bishii koowaad ee sannadkan ay wefti ballaadhan oo ka socda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hogaaminayey wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka kala socday wasaaradaha Waxbarashada, Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysigu ay tageen dalka Taiwan oo si weyn loogu soo dhaweeyey isla markaana laysku afgartay in la sii xoojiyo xidhiidhka labada waddan.

Sidoo kale, waxa uu wasiirku sheegay in isaga iyo wefti uu hogaaminayey ay safar shaqo dalkaas ku tageen bishii labaad ee sannadkan isla markaana ay soo dhamaystireen heshiiska iyo iskaashiga dhexmaray Somaliland iyo Taiwan oo ay si rasmi ah qalinka ugu duugeen, waxyaabaha heshiiskaasi ku qeexannana ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, wax soo saarka iyo waxyaabo kale oo badan.

wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) waxa uu hoosta ka xariiqay in xidhiidhka ay wada yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwaan ay u dhamaystiran yihiin dhamaan shuruudihii looga baahnaa laba dal oo xidhiidh wada lihi wixii ay ku heshiin lahaayeen, isaga oo intaas ku daray in si rasmi ah u furan yihiin xafiisyadii wakiillada labada waddan isla markaana mid kastaa soo magacaabay wakiillkii matalayey iyo shaqaalihii ka hawlgali lahaa xafiisyadaas, wuxuuna wasiirku xusay in xidhiidhkaasi ku kooban yahay danaha labada dal, isaga oo intaas ku daray in aanay jirin cid kale oo lagu waxyeelanayo ama lagu dhibaataynayo balse uu yahay xidhiidh u dhexeeya Somalialnd iyo Taiwan.

 

Category