Wasaaradda Maaliyadda JSL Oo Midaynaysa Cashuuraha Dawladaha Hoose & Hay’addaha Madaxbanaan

Hargeysa(RH)Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa furtay kulan Hawleed lagaga hadlaayey sidii loo dejin lahaa sannadka 2021-ka Miisaaniyad dhamaystiran oo raacda hab raaca miisaaniyadda Qaranka Somaliland.

Kulan hawleedkan oo lagu  qabtay magaaladda Hargeysa waxa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda , Ku xigeenka Hanti Dhawraha guud ee Qaranka ,Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha Horumarinta Maaliyadda, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka  , Agaasimaha Guud ee Baanka dhexe  iyo saraakiil ka socotay wasaaradda Maaliyadda iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale Kulankan ayaa  lagu faaqiday  sidii deeqaha caalamiga ah loogu dari lahaa Miisaaniyadda Qaranka Somaliland iyo sidii beesha caalamka loogu soo bandhigi horumarka maamulka maaliyadda ee dhinaca Xisaabaadka  iyo maamul wanaaga, taas oo ay ku qanaceen Baanka adduunka iyo hay’addaha kale ee ay wada shaqaynta lee yihiin wasaaradda maaliyaddu.

Ugu horeyn waxa kulan hawleedkan ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Muuse Ibraahim Yuusuf  oo sheegay in loo baahan yahay in inta kulankani socdo laysla lafa guro sidii loo midayn lahaa misaaniyadda Qaranka Somaliland, madaama oo aanay misaaniyadda ku cadayn misaaniyadaha Hay’adaha madaxbanaan iyo Dawladdaha Hoose .

Waxa isna goobtaas hadal kooban ka jeediyey ku xigeenka Hanti Dhawraha guud ee Qaranka Sacad Cabdilaahi Riiraash oo soo dhoweeyey kulankan, waxaanu ku tilmaamay mid muhiimad weyn u leh Qarankan Somaliland.

Waxa isna Halkaasi hadal ka jeediyey Agaasimaha Guud ee wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland oo ka waramay muhiimada uu kulan hawleedkani u lee yahay Qaranka, waxaanu tilmaanay in kulankani noqon doono mid lagu lafa guro sidii loo midayn lahaa Miisaaniyaddaha Hay’addaha madaxbanaan iyo Dawladdaha hoose , dhinacyadda shaqadana ay ugala mid noqon lahaayeen.

Ugu dambayna waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Baanka Dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo oo tilmaamay in ay ka baan ahaan diyaar u yihiin sidii ay wasaaradda Maaliyadda ugala shaqayn lahaayeen Midaynta Cashuuraha Hay’addaha Madaxbanaan, dawladdaha Hoose iyo lacagaha Deeq Bixiyeyaasha ka yimaada.

Kulan hawleedkan ayaa lagu wadaa in lagu dhiso marka uu dhammaado guddiyo farsamo oo soo dejinaaya siyaasadda lagu fulinaayo qoddobadan.

 

Category