Wasiirada arrimaha dibadda Eritrea iyo Ethiopia oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho (RH)-Wasiirada arrimaha dibadda waddamada Eritrea (Cismaan Saalax Maamed) iyo Ethiopia (Workneh Gebeyehu) ayaa maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad iyo wasiiro kale oo ka tirsan xukuumadda ayaa wafdiga ku soo dhaweeyay garoonka.

Wafdiga oo loo soo galbiyey xarrunta madaxtooyada Soomaaliya,waxa ay halkaas kula kumeen ra'iisal wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Khayre iyo qaar ka mid ah golaha wasiiradiisa, waxaana kulankaas uu ahaa mid albaabada u xiran yahay oo saxaafadda ay bannaanka ka joogtay.

Ilo ku dhowdhow xafiiska ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, ayaa saxaafadda u sheegay in ay ka hadleen iskaashiga iyo xiririka labada iyo heshiisyadii dhawaan madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia ay ku kala saxiixdeen magaalada Asmara.

Labada wasiir ayaa la filayaa in maanta galinka dambe ay la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxanaa la xiray dhammaan wadooyinka magaalada Muqdisho oo la dhigay gaadidka dagaalka iyo ciidamo hubeysan oo boolis ah.

Booqashada labada wasiir ee arrimaha dibadda dalalka Eritrea iyo Ethiopia, ayaa loo arkaa in ay qeyb ka yihiin dedaalada lagu xoojinayo heshiisyadii nabadda ee dhawaan dhexmaray waddamada geeska Afrika ku yaalla.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category