Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Kormeerey Mashruuca Ciida Iyo Biyo Qabatinka Biji

Hargeysa(RH)Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha Md. Axmed Muumin Seed oo ay ku weheliyaan madaxda ha’yada jarmalka ah ee fulinaysa mashuurca CES, ayaa kormeer ku maray goobaha uu ka socod mashuurca ciida iyo biyo qabatinka Biji.

Mashruucan oo uu maalgalinayo baanka Horumarinta Jarmalku ayaa waxa uu ka bilaabmay deegaano ka mid ah Gobolka Gabiley.

 

Mashruucan oo noociisa markii ugu horaysay laga fulinayo Somaliland waxa si toosa u maamusha Wasaarada Beeraha. Mashruucan oo ujeedadiiso tahay ka hortaga nabaad guurka iyo tayaynta nafaqada dhulka ayaa ka bilaabmay deegaamada Bijji sanadkii 2017-ka, markaasi oo uu dhagax dhigay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxman Cabdillahi Saylici.

 

Mashruucaasi waxa uu ka kooban yahay dhawr qaybood oo kow ka yahay in biyaha la joojiyo, waxa ku xiga in la xidho gabyanka, moosaska beeraha, Dhisida Berkadaha, Balliyada, iyo kaabadaha dooxa dhexdiisa la dhigi doona. Ilaa hadda waxa dhamaaday 8 Berkadood, 300Km oo moosas ah, iyo ilaa 2km oo gabion ah. Deegaamada uu wasiirku maanta Kormeerka ku maray waxa kamid ahaa, Geedabeera, Geesdheer, Xirfantoole, Laaleyska iyo Caroyaanbo.

 

Wasiirka ayaa waxa uu tilmaamay inay rajaynayaan in wax ka qabashada beerahani ay ka qayb qaadato kobcinta wax soo saarka dalka, isaga oo dadka deegaanka kula dar daaramay inuu tusaale fiican u noqdo mashruucani.

Kormeerka wasiirka ayaa ah mid joogto ah oo uu kula socodo habsami socodka mashuurcan horumarinta deegaamada Bijji.

 

 

Category